U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Kahor Yimid Wasiirada Uu Soo Magacaabay Madaxweyne Guuleed

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka maamulka Gamudug ayaa kasoo horjeestay wasiirro uu habeen kahor soo magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulan ay xildhibaanadaan ku yeesheen magaalda Cadaado ayeey sheegeen in tiradoodu tahay 33 mudane, waxaana ay tilmaameen in marnaba aysan raali ka ahayn hanaanka wasiiradaan loo soo magacaabay.

Waxa ay sheegeen xildhibaanadaan in Mr Guuleed uu hareer maray Dastuurka u yaalla Galmudug, sidoo kalena ay kala taliyeen Madaxweynahooda inta aanu soo magacaabin wasiirada, balse uu diiday waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Magacaygu waa xildhibaan Nadiif Maxamed Guuleed, waxaan cadeynaynaa in wasiiradaan lasoo magacaabay aysan ahayn kuwo raali laga wada yahay, waa kuwo tiro badan, mana aysan soo buuxin shuruudihii laga rabay”

Dhinaca kale xildhibaanadaan ayaa sheegay in marnaba aanu jirin wax heshiis ah oo lala gaaray Ahlu-sunna Waljameeca oo ay tilmaameen in lala heshiiyay xubno markii hore ka baxay Ahlu-sunna.

Ugu dambeyn ayeey Mudanayaashaan ayaa u sheegay beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ah, in weli aan heshiis lala gelin Ahlu-sunna Waljameeca, islamarkaana loo baahan yahay in toos loo aado xubnaha kale ee ku sugan Dhuusamareeb.

Goobjoog News