U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Colaado Ka Jira Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxay kaga hadleen xiisado beeleedyo iyo colaado ka jira magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaannadani ayaa sheegay in degmada Caabudwaaq in ay deggan yihiin dad walaalo ah islamarkaana aan loo baahnayn dagaal ay ku dhintaan dad shacab ah.

Bilihii dambe waxaa Caabudwaaq ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wad dega waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Xildhibaannadaan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dadka degaanka ay kala hadlaan dhibaatada ay leedahay colaaddani oo soo laablaabatay oo degaanka deganaanshiyihiisa saameyn ku yeelatay.

Xildhibaan Boosteeyo Jaamac Cali ayaa sheegtay in falalka amni darro ee ku soo laablaabtay magaalada Caabudwaaq ay yihiin kuwa aan loo dulqaadan Karin, islamarkaana ay ugu baaqayaan in dadka shacabka ah ay ka shaqeeyaan nabadda.

“Dadka walaalaha ah eek u dhaqan degaanka Caabudwaaq waxaa ku soo noqnoday colaad ay dhiig ku daadatay, annagoo ah xildhibaannada Galmudug waxaan u direynaa baaq waxaan leenahay walaalayaalow colaadda joojiyo qoriga dhiga, kuwa cusub oo hadda qoryaha isku aruursanayana wiilal kale un baa ku dhimanaya, waxaana idin ka codsanaynaa in colaadda aad joojisaan oo wax walba wada hadal lagu xalliyo” ayay tiri Xildhibaan Boosteeyo  Jaamac.

Dhacdadii u dambeysay ee magaalada Caabudwaaq waxaa lagu weeraray odayaal iyo waxgarad ku shirsanaa guri ku yaalla magaaladaasi oo wada xaajood nabadeed u fadhiyay.

Goobjoog News