U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Galmudug Oo Soo Saaray Bayaan Ku Saabsan Habka Doorashada 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray war-Murtiyeed ay kaga soo horjeedaan qodobada shirkii madasha wadatashiga heer qaran ee ku aadanaa habka doorashada 2016.

Xildhibaanada ayaa Qodobbo kasoo saaray shirka ay xalay Cadaado ku yeesheen, kadibna  waxaa saxaafadda u akhriyay xildhibaan Maxamed  Xasan Gelle,  bayaankooda oo dhameystiran waxa uu u ahaa sidan:

Ku socota guddoonka golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Beesha Caalamka, Ummadda Soomaaliyeed.

Anaga oo ah xubno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaan halkan ku soo  bandhgeynaa war-murtiyeed ku saabsan qodobadii ka soo baxay madasha wadatashiga heer qaran.

Kadib markii aan ku sameynay daraasad buuxda qodobadii iyo go’aanadii ka soo baxay madasha, markaan wadatashi dhameystiran la yeelanay bulshada qeybaheeda kala duwan, markaan dib u eegnay burburkii baahsanaa iyo dowlad la’aantii haysatay Ummadda Soomaaliyeed, markaan tixgelinnay aragtiyada kala duwan ee ka imaneysa ilaha kala gadisan ee bulshadu ku kala qaadato wararka, markaan wax badan wax iska weydiiney sida ugu habboon ee loo gaarsiin lahaa Ummadda Soomaaliyeed dowlad haysata kalsoonida shacabkeeda.

Waxaa noo muuqatay in qodobada kasoo baxay madasha wadatashiga heer qaran aysan ahayn kuwo dhameystiran, marka laga eego habka loo maareeyay, waxaa muuqata inaan loo marin wadada saxda ah ee ay tilmaameyso Dimuqraadiyaddu.

Haddaba, waxaan ku talineynaa si loo helo cadaalad daah furan, kalsooni, sinaan iyo midnimo loona xaqiijiyo hiigsiga 2016, waxaan ku talineynaa in la tixgeliyo qodobadan soo socda:

-Waa in tixgelin la siiyo odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo wakiilada shacabka oo ah baarlamaanada.

-Waa in la howlgeliyo guddiga doorashada heer qaran.

-Waa in talada soo xulista aqalka sare iyo aqalka hoose-ba loo daayo odayaasha dhaqanka iyo baarlamaanada dowlad goboleedyada si loo helo hannaan ay ku jirto hufnaan iyo cadaalad taas oo ah mid waafaqsan Dastuurka dalka.

-Waa in musharaxa u soo gudba aqalka hoose ay wada saxiixaan odoyga dhaqanka iyo xubnaha baarlamaanka ugu jira jifadaas musharaxu ka yimid.

-Waxaa la ogsoon yahay in oday dhaqameedku yahay mid ku yimid hab dhaqameed soo jireen ah oo ay leedahay bulshada Soomaaliyeed sidaas darteed midka dhintay iyo midka muranku ku jiraba waxaa bedeli kara bulshadii uu ka dhashay.

-Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo Guddoomiyeyaashooda baarlamaanadu waa in ay si wada jir ah u soo wada saxiixaan liiska musharaxiinta ku guuleysta aqalka hoose iyo midka sare-ba.

-Mudada ololaha doorashadu socoto iyo maalinta doorashadu ay dhacaysaba waa in ciidamada dalka iyo kuwa AMISOM-ba la howlgeliyo inta doorashadu ka dhacayso, si loo xaqiijiyo Ammaanka.

-Waa in la helo korjoogto madaxbanaan iyo kuwo ka socda beesha Caalamka si loo xaqiijiyo in doorashadaasi ay ku dhacday hab wanaagsan dimuqraadiyadana waafaqsan.

Ugu dambeyn, 12.04.2016 ayaa shirka madasha wadatashiga heer qaran ay magaalada Muqdisho ka soo saareen go’aanno khuseeya hanaanka doorashada dalka ee la filayo in uu dalka ka dhaco Agosto 2016.

Goobjoog News