U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta La Dhaariyey

Sheeko:Dalka, War

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhaariyey Saddex xildhibaan oo kamid ah golaha shacabka.

Xildhibaannadan la dhaariyey ayaa dhowaan waxaa lagu kala doortay magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyey xildhibaannada kala ah:

  • Fatxi Saciid Xasan oo kasoo galay Somaliland
  • Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji oo isna kasoo galay dhanka Jubbalan
  • Nuur Iidow Beyle oo isna kasoo galay Hirshabelle

Xildhibaannadan cusub oo buuxiyey boosas ka bannaanaa golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla howlo aad u badan.

Goobjoog News