U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Guuritada Somaliland oo Codsaday in la Horkeeno Heshiiska Dekedda Berbera ee DP World

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ‘Guurtida’ Somaliland, ayaa madaxweyne Siilaanyo waxay   ugu baaqeen In uu horkeeno heshiiska xukuumaddiisu la gashay shirkadda maalgelinta dekadda Berbera ee DP world.

Xildhibaan Axmed Ibraahim Gacan oo ka mid ah saddex xildhibaan oo  la hadlay warbaahinta  ayaa  sheegay in  dastuurka Somaliland qoraayo in waxii heshiisyo  maaliyeed  oo ah  caalami ah ama heer gobol si wada jir ah uga doodayaan labada gole; ” labada gole waxyaabaha dastuurku  u qoraayo waxa ka mid ah inay ka wada doodaan fadhiyada guud ee heer caalami ah ama heer gobol ee maalgelinta waxa qoraaya dastuurka waana ku qasab in ay nasoo mariyaan  haddii kale waa dastuur jebin”, ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Axmed Yuusuf  oo isna ka tirsan aqalka odayaasha  ayaa fahfaahin ka bixiyay qaabka uu qaabka dastuurka Somaliland ugu ogolaanayo  in heshiisyada noocan ah ee xukuumaddu la gasho shirkado ama dawlad kale  in ay waajib tahay inay ka doodaan ansixintiisa ama ay diidaadaba;  “ haddii golahayga la keeni waayo waa sharci jebin  mabda’ ahaana waxa ansixinteeda leh  labada gole waxii faahfaahin kale ee ku saabsan dhaqaalaha hoose golaha wakiilada ayaa leh balse ansixinta guud waa labada gole oo u dhan “.

Xukuumadda  ayaa golaha wakiilada  horgaysay  lixdii bishan heshiiska ay la gashay DP world ee maalgashiga dekedda Barbara, iyadoo looga fadhiyo golahu iney go’aan ka qaataan heshiiska ogolaadan ama ay diidaan meel marintiisa.

Shaqada guud ee labada  gole baarlamaan Somaliland ayaa ku kala calaamadsan sharci-dejinta  oo ay wakiiladu gaar u ah iyo ilaalinta amniga oo guurtida ah .

Goobjoog News