U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Hirshabelle Oo Ka Digaya Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Hirshabelle ayaa ka digey fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in cabsida ugu weyn ay tahay in biyo badan kusoo rogmadaan magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Xildhiban C/qaadir Karaani ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Hirshabelle in ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle .

“Wabigii waa uu buuxaa mana jiro hal Xildhibaan oo dhahaya aan isku tashanno, waxaan ugu baaqayaan Xildhibaannada deegaanka ka soo jeeda in ay wax iska weydiiyaan dhibaatada haysata Shacabkooda”.

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Tuure ayaa isna dhankiisa waxaa uu sheegay in haddii aan laga hortagin Fataad uu sameeyo Wabiga Shabelle ay biyaha qaadi doonaan Magaalada Jowhar ee Cassimadda Maamulka Hirshabelle.

“Waxaa ay taagantahay arrinta wax qabad wabiga waxaa uu marayaa meel xasaasi ah Caawa iyo habeen dambe haddii uu ku sii daro lama fadhin doono caasimadda Hirshabelle”.

Hadalka Xildhibannadan ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo ay jirto cabsi la xiriirta in uu Fatahaad sameeyo wabiga Shabelle.

Goobjoog News