U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Hirshabelle Oo Sheegaya In La Bedelay Dastuurkii Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in wax ka bedel lagu sameeyey dastuurkii Maamulkaasi iyadoo aanu ka warqabin baarlamaanka.

Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in waxyaabaha wax ka bedalka lagu sameeyey ka mid tahay awoodaha Madaxda Maamulkaasi iyaga oo tilmaamay in guddoonka baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre uu gudan waayay waajibkiisii Maadaama dastuur cusub laga dulsameeyay dastuurkii hore ee Hirshabelle.

Mukhtaar Xasan Tuure oo ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle ahna guddoomiyaha guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka Hirshabelle iyaga oo aan Xildhibaannada ka war qabin.

Xildhibaan Mukhtaar waxaa uu intaas ku daray in arrinta la xiriirta wax ka bedelka dastuurka ay u sheegeen guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle isaga oo tilmaamay in guddoomiyaha uu ugu hanjabay in haddii ay ka hari waayaan arrimaha dastuurka uu ka qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Waxaan rabnaa in aan ku xaqiijinno Shacabka dowlad deegaanka Hirshabelle mar hadii ay halaabaan ama uu khalad ka yimaado wax allaala wixii aan ku heshiinnay wanaag dalka kama jiri doono, saas darteed waxaan rabaa in aan u soo bandhigo labada qodob waxaa uu sheegaa qododbka 51-aad awoodda Madaxweynaha waxaa laga tagay baaerlamaanka marka uu Furmayo in Madaxweynaha uu xaq u leeyahay in baarlamaanka uu furo iyo in uu xiro qodobka 51-aad farqadiisa saddexaad waa laga tagey waana labadalay waxaa loo diidanyahay awoodda Madaxweynaha”.

Hadalka Xildhibaannadan ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah Xildhibaannada Maamulkaasi ay sheegeen in dastuurka Hirshabelle la bedelay iyada oo laga leeyahay dano gaar ah.

Goobjoog News