U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ku Kala Aragti Duwan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannoo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday xukuumadda uu 21-kii bishan soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali  Kheyre.

Xildhibaan Xasan Ibraahim Qooqane oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisulwasaaraha ay tahay mid wanaagsan oo tayo leh looguna hanweyn yahay in waddanka ay ka saarto colaadaha iyo abaaraha ka jira, isagoo tilmaamay inay ka rajaynayaan inay qabto wax fiican.

“Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waa xukuumad wanaagsan oo tayo leh,waana mid loogu hanweyn yahay in wadanka ay ka saarto abaaraha iyo colaadaha haysto”

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in aan laga hor imaanin  xukuumadda, isagoo tilmaamay in aan laga hordhicin waxqabadka xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo uu xusay inay tahay mid wax qabad fiican leh.

Xildhibaan Qoone ayaa mar kale sheegay inay tahay xukuumaddan mid ay ku jiraan dad wanaagsan oo tayo leh, waxa uu intaas uu ku daray in dadka ay caadaysteen in wax la dhaliilo, isagoo sheegay in bini’aadam ay yihiin ayna waxna qaldi karaan waxna ay saxi karaan”

“Dadka waxay caadaysteen in ay wax ka sheegaan wixii la sameeyo ama ay ka hor imaadaan, waxay ila tahay xukuumaddaan waa mid wanaagsan, dadka ku jira waa dad wanaagsan, bini’aadan ayaa la yahay, lama dhameestirno hadana waxaan aaminsanahay inay wax qabanayaan”.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq oo isna la hadlay Goobjoog News, ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda wax badan la sugaayay, balse aan kasoo bixin wixii la filaayay, isagoo sheegay dadka la magacaabay in ay liityaan tayo ahaan, laguna salaynin habka wax wada qaybsiga cadaaladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxa kasoo baxay wax la filaayay maahan,habka awood qaybsiga sida wasaaradaha la is kugu daray, iyo dadka laftigiisa oo aad mooddo tayadooda xoogaa dhaliil ay ku jirto”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq oo sii hadlay ayaa waxa uu xusay in wacyiga jira iyo dadka meesha la keenay aysan isku qalmin, isagoo xusay in awood qaybsigii lagu xad gudbay oo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay isku koobeen, isagoo tilmaamay inay uga fadhiyeen xukuumaddaan wax ka badalan xukuumadihii hore”

“Wacyiga maanta la joogo iyo dadka meesha la keenay iskuma qaadamaan, awood qaybsigiina waa lagu qadgudbay laftigiisa, oo labada nin oo mas’uuliyiinta ah oo waxooda iyga ay isku koobeen wax aan filaynay ma aheen”. ayuu yiri xildhibaanka.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa la horgeyn doonaa xildhibaannada baarlamaanka si codka kalsoonida ah ugu qaadaan.

Goobjoog News