U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ku Kala Aragti Duwanaaday Hakinta Howlihii Maamulka Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wareegto ka soo baxday madaxweynaha maamulka Galmudug oo uu ku joojiyay dhammaan shaqooyinka hay’adaha dowladda ee degaannada Mudug iyo Galgaduud inta ay socoto doorashada.

Madaxweyne Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in sababo jira awgood sida culeyska arrimaha doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka loo joojinayo howlaha maamulka.

Xildhibaannadani ayaa ku kala aragti duwanaaday in madaxweynaha uu tallaabadaasi qaado.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdullaahi Barriise oo kamid ah baarlamaanka  Galmudug ayaa sheegay in baarlamaanku ay horyaallaan shaqooyin muhiim ah oo ay wanaagsan tahay in la qabto islamarkaana ay qalad tahay in madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed uu hakiyo howlihii sharciga ee maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in ajendayaasha baarlamaanka maamulkooda horyaalla uu kamid yahay Miisaaniyadda maamulka iyo arrimaha garsoorka oo la doonayo in la horumariyo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Barriise ayaa qaba aragtida ah in baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee sharciga ah ay sii wataan howlahooda dastuur sidaas diidayana uusan jirin.

Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno iyana qaba in madaxweynaha uu xilligani ku saxan yahay in la joojiyo shaqooyinka maamulka inta ay socdaan howlaha doorashada oo culeyskooda laga dareemayo magaalada Cadaado.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle ayaa sheegay in mashquulka siyaasadeed ee ka jira magaalada Cadaado ay wanaagsan tahay in loo madaxbannaanaado shaqooyinka ku saabsan arrimaha doorashada.

“Arrintani madaxweynaha uu gartay waa uu ku saxan yahay iyo sida mashquulka ah ee ka jira magaalada Cadaado waa arrin u baahan in loo gacan bannaanaado, sidaa darteed waa in howsha doorashada loo soo wada jeesto” ayuu yiri xildhibaan Faysal Axmed.

Maamulka Galmudug State ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee joojiyay dhammaan shaqooyinka hay’adaha sharciga ah ee maamulkaasi inta laga soo afjarayo doorashooyinka aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maalin ka hor madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu hakiyay dhammaan howlaha maamulkaasi si loo dedejiyo arrimaha doorashada labada aqal.

Goobjoog News