U bood dhigaalka

Xildhibaanno Lagu Doortay Baydhabo Iyo Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay illaa seddex kursi oo ka tirsan golaha shacbiga Soomaaliyeed.

Kursiga koowaad waxaa ku tartamayay afar musharrax oo kala ah Maxamed Isaaq Cismaan, Cabdi Cadow Axmed, Suweyda Maxamed Mukhtaar iyo Cabdirashiid Xaaji Xasan.

Waxaana ay doorashada kursigaasi lagu kala baxay hal wareeg iyadoo markii codadka la tiriyay ay guushu raacday Maxamed Isaaq Cismaan oo helay 35 cod.

Maxamed Isaaq Cismaan ayaa horey uga mid ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee hadda waqtigiisu dhammaaday.

Kursiga labaad waxaa maanta Baydhabo ku hardamay Xasan Ibraahim Maxamed iyo Xaawo Ibraahim Maxamed waxaana guddigu ay shaaciyeen in Xasan Ibraahim Maxamed uu ku guuleyustay xildhibaanimo kadib markii gabadhii la tartamaysay ay ka tanaasushay u tartamidda kursigaasi.

Kursiga seddexaad waxaa u tartamay maanta illaa todobo musharrax kaasoo loo arkayay inuu ka howl badan yahay kana adag yahay kuraastii kale.

Musharrixiintii u tartamaysay waxa ay kala ahaayeen Cabdifataax Maxamed Geeseey, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, , Cabdi Aadan Hoosow, Cumar Cali Balash, Cali Ibraahim, Yuusuf Xasan Mursal iyo Xasan Abshirow.

Labo ka mid ah musharraxiintaasi oo midkood uu guuleystay waxay xilal ka hayaan maamulka Koonfur Galbeed halka midka kalena uu horey uga tirsanaa.

Cabdifataax Maxamed waa wasiirka amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdirashiid Cabdullaahi waa guddoomiyaha gobolka Baay ee hadda, Cabdi Aadan Hoosow waa guddoomiyihii hore ee gobolkaasi.

Codeynta kadib ayaa guddiga markii ay tiriyeen codadka ergadu dhiibatay waxay ku dhawaaqeen in Cabdifitaax Geeseey oo Cumar Balash kula tartamay wareegga labaad wuxuuna ku guuleystay codad dhan 32.

Magaalada Baydhabo ayaa si dardar leh waxaa muddooyinkani uga soconayay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, magaalada Cadaado waxaa maanta ka dhacday doorashada h al kursi oo baarlamaanka federaalka ka tirsan.

Waxaana ku tartamay illaa seddex musharrax oo kala ah Maxamed Axmed Abtidoon, Aadan Cismaan Cali iyo Ubax Axmed Warsame waxaana 41 cod ku guuleystay Abtidoon sida ay shaaciyeen guddiga doorashada aqalka hoose ee Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa weli lagu wadaa  inay ka qabsoonto doorashada aqalka hoose oo weli kuraasta qaar ay dhiman tahay.

Goobjoog News