U bood dhigaalka

Xildhibaanno Mooshin Ka Gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay mooshin ka geeyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay sheegeen in madaxweynuhu uu ku xadgudbay xasaanadda xildhibaannada.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in mooshinkaan ay geeyeen xildhibaanno ka badan 50, islamarkaana ay kasoo horjeedaan hadal uu sheegay madaxweynaha oo ah in la baari doono mas’uuliyiinta dowladda ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa sida ay hadalka u dhigtaye.

“Mooshinkaan shalay ayaan geynay markii fadhi aan caadi ahayn uu madaxweynaha uu baarlamaanka la yeeshay, hadalkii madaxweynaha ayaa ku jirtay ku xadgudub xasaanadda xildhibaannada oo ahayd in la baaro mudanayaasha maadaama amnigii la adkeynayo suumanka, kabayaasha laga baaro taasoo ilhaanad ku ah xildhibaanka, cutubka Lixaad qodobkiisa 70-aad farqadiisa Labaad ee Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ayeey si cad ugu qeexan tahay in aan xildhibaanka oogadiisa la baari karin qof ahaaneed, hoygiisa iyo meesha kale ee gaarka u leeyahay, hadii fal dambiyeed uusan gacanta kula jirin oo xukun maxkamadeed uusan jirin oo uusan golaha shacabka uusan soo gubin in tallaabo laga qaado in laguma xadgudbaan ay tahay xasaanadda xildhibaanka, taas marka ma keeni karto dhiillo amni darro oo dalka ka dhacay” ayeey tiri Xildhibaan Khadiijo.

Sidoo kale xildhibaan khadiija oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Suunka iyo kabaha hala furo ayuu yiri, iyaga ha iska billaabeen ayuu yiri, gabadha iyo wiilka Soomaaliyeed waxaan ku qancinno baan rabnaa, dhiillo amni oo mas’uuliyiinta qaranka ka mid ah hadii ay jirto xog baaris ah baa la sameeyay hanaloo soo bandhigo, hadii aysan jirin shacabka Soomaaliyeed waxaan nahay wakiiladoodii, waxaan ku kala duwannahay waa qaanuunka, cid walba sharciga ayaa ka sareeya waana laguma xadgudbaan xasaanadda qof ahaaneed ee xildhibaannada qaranka uu siinayo Dastuurka Federaalka, sabab loo beegsado xildhibaan iyo wasiir sida uu hadalka madaxweynaha u dhigayna malahan, xasaanadda cid walbo ay huwan tahayn halagu ixtiraamo ayaan leenahay”

Dhinaca kale xildhibaan Khadiijo ayaa sheegtay in mooshinka ay qoreen sidoo kale ay ku dalbadeen in degdeg golaha baarlamaanka loo hor keeno wasiirada dhanka amniga iyo taliyayaasha ay quseyso arrimahaasi.

Tani ayaa ka dambeysay hadal 7-dii bishaan uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa in mas’uuliyiinta dowladda ay ogolaadaan in lagu baaro baraha amni ee garoonka Aadan Cadde.

Goobjoog News