U bood dhigaalka

Xildhibaanno Mucaaraday Wasiirada Cusub Ee K/galbeed

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno  ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa kasoo horjeestay wasiirada cusub ee maamulka K/galbeed, kuwaasi oo dhowaan uu magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

In ka badan 50 xildhibaan oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynaha aanu wasiirada usoo magacaabin sidii loo baahnaa, islamarkaana yihiin kuwo aan laga fiirsan waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay xildhibaanadaan ay madaxweyne Shariif Xasan ku eedeeyeen inuu hareer maray Dastuurka maamulkaasi, taasi oo ku aadan soo xulushada xildhibaannada.

Xildhibaan Xasan Cali oo kamid ah mudanayaasha kasoo horjeeda wasiiradan ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen kadib waxa uu ugu baaqay xildhibaannada iney xaq u leeyihiin ineysan codka kalsoonida ah siin wasiiradan cusub.

“Waad dhaarateen, dadka waad u dheerateen, waxaa la idiin kaga baahan yahay inaad codkiina dadka ku ciil bixisaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga sugayaa in xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed uu horgeeyo golahiisa wasiirada cusub.

Goobjoog News