U bood dhigaalka

Xildhibaanno Puntland Ah Oo Baaq u Diray Beello Ku Dagaallamay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Amniga

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxa ay sheegeen xildhibaannada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe in ay ka xun yihiin dagaalladaasi, iyaga oo madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay inuu nabad kala dhex dhigo beelahan.

Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa u sheegay dhinacyada isku haya duleedka Kismaayo in dagaal aanu xilligan faa’ido lahayn, islamarkaana loo baahan yahay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Beello walaalo ah ayaa dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyo:

Goobjoog News