U bood dhigaalka

Xildhibaanno: Puntland ha Ogaato, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiidna ha Fahmo !!

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la soo xiriiray Goobjoog News iyagoo kala jooga Nairobi iyo London ayaa ku tilmaamay heshiiskii dhawaan Garoowe ee dowladda Soomaaliya iyo Puntland mid khiyaano Qaran ah oo hareer marsan dastuurka Dalka.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Cali

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn la hadlay Goobjoog isagoo yiri;” sida aad la socoto 3 bishan 4, 2016 waxaa magaalada Garoowe ka dhacay kulan lagu magacaabay heshiis dhex maray dowladda Puntland iyo dowladda Soomaaliyeed ee federaalka ah, in la yiraahdo dowladda Puntland iyo dowladda Soomaaliya waxay wada gaareen heshiis, madaxaweynaha Puntland iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya ay wada saxeexaan, waxaan u aragnaa iney tahay wax ka soo horjeeda dastuurka dalka iyo shuruucda u yaalla labadaba, Puntland waa maamul goboleed ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliyeed, sida Galmudug, Jubbaland iyo maamulada kale”.

“Haddii aan u soo noqonno waxyaabihii ka soo baxay kulankaas, qodobbo la xiriira doorashada soo socota ee labada aqal qodobbo khuseeya oo illaa 18 faqradood ah, qodobadaasi waxay kasoo horjeedaan dhamaantood dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, maadama ay kasoo horjeedaanna lama oran karo heshiis, waa xaaraan mar haddii uu ka soo horjeedo dastuurka dalka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanku waxa uu xusay qodobbo uu dhaliilsan yahay,”Waxaa ka mid ah qodobbo sida; 1.8 oo oranaya beelihii ku bahoobay Puntland 1998dii doorashada labadooda aqal waxay ka dhacaysaa magaalada Garoowe, waxaana saxiixaya madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waa ayaan darro in ra’iisul wasaarihii dalka Cumar Cabdirashiid oo loo doortay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, inuu beelo Soomaaliyeed xuquuqdoodii yiraahdo beyshaydaan siinayaa, oo isagoo ra’iisul wasaare ah uu saxiixo waa arrin dhaqanka Soomaaliyeed ka soo horjeeda, waana ayaan darro”.

“Meeshaa waxa ka soo baxay waa laba qodob, waxaa la oran karaa midi waa khiyaano qaran, waxaa khiyaano qaran ah wax dastuurka ka soo horjeeda in la soo saxiixo, ra’iisul wasaaraha dalku maadaama uu shacabka Soomaaliyeed uu ra’iisul wasaare u yahay  in uu galay eex qabiil, uu beelo Soomaaliyeed uu yiri xuquuqdoodii beeshaydaan siinayaa, haddii ra’iisul wasaaruhu arrinkaa ka waantoobi waayo, annagu baarlamaan baanu nahay, baarlamaankuna waxa uu ilaaliyaa shuruucda dalka, wixii shirka kasoo baxay waxaa la hor keeni doonaa baarlamaanka federaalka ah waxa uuna ka qaadan doonaa waajibaadkiisa dastuuriga ah”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdirashiid waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Shirka meesha ka dhacay waxa uu ka soo horjeeday qaranimada Soomaaliya, waxaana meel looga dhacay qaranimadii iyo sharaftii Soomaaliya, walwalka aan qabnaa waxa weeye Dalkani dowlad buu leeyahay, hay’adihii garsoorka, xukuumad iyo baarlamaan, hay’ado dastuuri ah oo dhisan buu leeyahay, dalku ku meel gaar maaha ee waxa uu leeyahay dowlad sharci ah, dalkan haddii la rabo iney doorasho ka dhacdo, hay’adihii dastuuriga ahaa ayaa jira, wixii siyaasad ahna xukuumadda ayaa u xilsaaran, xukuumadda ayay ahayd in ay soo gudbiso barnaamijyadeeda baarlamaankana la horkeeno, laakiin inta garoowe la tago oo la yiraahdo beesha Caalamka iyo wadamada dariska ah baa imanay, dalkana lagu gafo wixii ka soo baxana la yiraahdo waxaa damaanad qaaday madax ka socota wadamada dariska ah waa ayaan darro”.

“Puntland marka la qancinayo in sharci darro lagu qanciyo maaha, haday wax tabato si shacri ah in loo waajaho weeyaan, maaha inta waxay doonto loo yeelo shuruucdii dalka meel looga dhaco”.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Qaraar afar qodob ka kooban ayaa baarlamaanku soo saaray haddii doorasho dhacayso, ummadda Soomaaliyeed iney u dhan tahay, amniga inaaney wax u dhimeyn, dastuurka dalka inuu waafaqsan yahay, midnimada qaranka iney ka muuqato, waxaan ka soo horjeednaa waxa weeye cid gaar ah inaan dastuurka qaranka loogu tuman, shuruucda dalkana la wada ilaashado”.

“Ra’iisul wasaaraha ayaan u yeeri doonaa wixii meesha ka dhacayna mid mid ayaan u waydiin doonnaa, haddii ay noqoto inaan tallaabo ka qaadno sharci ayaan u mareynaa, sida aan xogta ku hayana ra’iisul wasaaraha waa loo yeeri doonaa”.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Haddii doorasho la qabanayo meesha ay ka dhici karto waa magaalada Muqdisho, 2012 maagalada waxaa ka dhacday doorasho in la yiraahdo 4 sanno ka dib doorasho kama dhacayso, waxaan u aragnaa in la leeyahay doorashadu caasimadaha dariska ah ayay ka dhacaysaa, waxaa muuqata in ula jeedooyin qarsoon laga leeyahay waana soo bixi doonaan”.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna dhankiisa isagoo jooga magaalada London la soo xiriiray Goobjoog News, waxa uuna  khiyaano qaran ku tilmaamay heshiiska Puntland iyo dowaladda federaalka Soomaaliya.

“Heshiiskaasi uma muuqan mid ku saleysan shuruucda dalka, kulligiisna waxa uu ahaa mid ka soo horjeeda dastuurka qaranka ee inoo dhigan, mid ay wax ka soconayaanna uma eka, mana aha mid la qaadan karo, in ay wax ka soconayaanna ilama aha, sideeda anaga nalooma keeno wax cusub, waxa naloo keenaa haddaaney waa faqsaneyn Dastuurka; waxa uu noqonayaa mid aan shaqeynayn, xildhibaan ahaan iyo qaran ahaanna mid noo cuntamaya maaha wax dalku ku socon karana maaha”.

“Dastuurka waxaa ku qoran in baarlamaanka uu bedelayo baarlamaan kale oo cod ku yimid, haddii taa la waayay waxaa imaanaysa in baarlamaanka ku yimaado sidii kii hore oo kale, oo beelaha Soomaaliyeed ay soo wada xushaan, laakiin in la yiraahdo beelihii kale ayaa beelo u xulaya, taasi waa xad gudub xagga Soomaalinimada iyo mid nimada waxa u dhimeysa, dastuurkii qaranku lahaa in lagu xadgudbana waan diidaynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaan qabaa in khiyaano qaran ay meesha ka dhacday, niman kale oo mas’uuliyiin wadamo kale ah ayaa talo ku lahaa, mas’uuliyiintu way caddeeyeen iney ka taliyeen masiirka Soomaalida, waanan uga mahadcelinaynaa”, ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf waxa uu yiri, “Haddaanu meesha ka tagayno waxaanu rabnaa inaan uga tagno amni wanaagsan qaranimo wanaagsan, ciddii joogeysaana ay kusii waddo, laakiin wax qalab-qalab ah oo dano gaar ah lagu sameysanayo taas ayaan ka soo horjeednaa, kama soo horjeedno in doorasho dhacdo ama si wanagsan la isku bedelo, In beeli beel kale u hanqal taagto waa wixii dagaalka sokeeye dhaliyay anaguna ma qaadanayno haddaan xildhibaanno qaran nahay”.

Ugu dambeyn; magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka dhacay 3.04.2016 heshiis dhex maray dowladda Federaalka iyo Puntland, heshiiskaas oo Puntland ay ku ogolaatay nidaamka 4.5, taa bedelkeedana loo oglaaday qodobo ay miiska soo saartay, heshiiskaas ayaa dhaliyay qeylo dhaan farabadan oo ka imaneysa xildhibaanno iyo siyaasiyiin aad u dhaliilsan qodobada heshiiska.

Goobjoog News