U bood dhigaalka

Xildhibaanno Sheegay Iney Ka Go’an Tahay Xil Ka Qaadista Cosoble

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in marnaba aanay dib uga laaban doonin mooshinka xil ka qaadista ah ee ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi.

Maxamed Baashir oo iska casilay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda Bii’ada iyo horumarinta Hirshabelle, kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in markaan ay ka go’an tahay mudanayaasha in xilka laga qaado madaxweyne Cosoble.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynahooda uu ku xadgudbay Dastuurka u yaalla maamulkaasi, sidoo kalena aanay socon shaqooyinka Hirshabelle.

“Annaga waan gaarnay go’aankaan, baarlamaanka ayaana lagu kala bixi doonaa, madaxweynaha Dastuurka ayuu ku xadgudbay, sidoo kale shaqooyinkii kale ee maamulka wax socda maleh” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanno gaaraya 72 ayaa mooshin waxay ka gudbiyeen madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, shalayna waxaa is casilay in ka badan 10 wasiir oo maamulkaasu ah.

Goobjoog News