U bood dhigaalka

Xildhibaanno, Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahanno Ka Hadlay Sida Ugu Haboon Ee Musuqa Looga Hortagi Karo Doorashada 2020

Sheeko:Baarlamaanka

Soomaaliya waxaa la filayaa in Sanadka 2020 ay ka dhacdo doorasho ka duwan kuwii horay dalka uga dhacay taasi oo ku saleysan nidaamka Xisbiyada.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka qeybgalay barnaamijka Hiigsiga ee Goobjoog ayaa waxaa ay ka hadleen saameynta uu Musuqa ku yeelan karo doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan sanadka 2020.

Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ayaa waxaa ay sheegeen in Musuqa looga hortagi karo oo kaliya in si degdeg ah lagu sameeyo Maxkamadda dastuuriga ah, dhismaha guddiga adeegga garsoorka iyo sidoo kale dhisidda guddiyada kale ee la dagaallama Musuqa sida uu qabo Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Midnimo Qaran.

“Aniga xalka waxaan u arkaa si aan u helno doorasho xalaal ah in Marka ugu horreysa la sameeyo Maxkamaddii dastuuriga aheyd iyo guddiga adeegga garsoorka in isna la dhiso guddiyada kale ee la dagaallamaya Musuqa oo hadda ay socdaan howshooda aqalka sare iyo golaha baarlamaankana soo maray in dad tayeysan oo nadiif ah laguna yaqaanno sharaf, hufnaan iyo aqoon in loo soo magacaabo”.

Aqoonyahan C/raxman C/laahi Dubad ayaa isna qaba si loo gaaro doorasho ku dhacda si cadaalad ah loo baahanyahay in la sameeyo wacyigelin iyo sidoo kale la baro nidaamka hadda loo guurayo ee Xisbiyada.

“Aniga waxan qabaa Saddex qodob oo asaasi ah in la helana waa Muhiim, mar haddii dowladdii, shacabkii, siyaasiyiintii ay leeyihiin qabyaaladda aan ka guurno meesha loo guurayo dadka in la baro waaye oo ah nidaamka Xisbiyada wax hadda fikir ka heysta xisbi siyaasadeed dadka waa ay ku yaryihiin, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah waa in wacyigelin badan lagaliyo waa maxay xisbi siyaasadeed”.

Aragti daas ka duwan waxaa Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo ah guddoomiye Xisbiga dadka Soomaaliyeed waxaa uu sheegay In Musuqa looga gudbi karo tayeynta maamulka Sharciga lana ilaaliyo tayada hay’adaha qaabilsan doorashooyinka.

“Aduunka Meel kasta marka ay doorasho ka dhaceyso Musuq waa uu jiraa, waxaa looga gudbi karaa Musuqa tayeynta Maamulka sharciga iyo in la ilaaliyo hanaanka tayada hay’adaha ka shaqeeya doorashooyinka waxaana waxaas oo dhan qaabilsan guddiga doorashooyinka”.

Waxaa la filayaa in dalka ay ka qabsoonto sanadka 2020 nidaamka doorashooyinka Axsaabta waxaana jira cabsiyo badan oo ku aadan in Musuq uu dhaco

Goobjoog News