U bood dhigaalka

Xildhibaanno Taageeray Shirka Dib u Heshiisiinta Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ah ee ka soconaya magaaladaasi.

Xildhibaanadaan oo tiro ahaan gaaraya Lix ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre iyaga oo sheegay in shirkaasi ay ku faraxsanyihiin.

Mudanayaashaan ayaa sidoo kale sheegay in arintaan ay ahayd mid mar hore loo baahnaa, islamarkaana maalmaha soo aadan ay magaaladaasi tagi doonaan xildhibaanada kale ee kasoo jeeda gobalkaasi.

Shirka ka socda magaalada Baladweyne ayeey sheegeen in uu yahay mid lagu doonayo in lagu soo gabagabeeyo khilaaf walba oo ka jira gobalkaasi, si dadka oo mid ah u wada dhistaan maamul loo dhan yahay.

Ugu dambeyn xildhibaanadaan ayaa si wadajir ah waxa ay ugu baaqeen dhammaan shacabka reer Hiiraan in ay taageeraan shirkaan, islamarkaana ay mid noqdaan.

1-dii bishan May waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ka furmay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobalka Hiiraan, iyadoo ay jiraan beello heshiiyay.

Goobjoog News