U bood dhigaalka

Xildhibaanno Xalinaya Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Maamulka Degmada Jalalaqsi Iyo Ciidanka AMISOM

Sheeko:Dalka

 Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan u gaaray xalinta khilaaf u dhaxeeya maamulka degmadaasi iyo ciidamada AMISOM.

Xildhibaannadan tagey Jalalaqsi waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, waxaana ay doonayaa in la dhammeeyo khilaafka jira.

Khilaafkan ayaa ka dhashay sida la sheegay,  kadib markii ciidamada AMISOM ee Jabuuti rasaas ay fureen uu ku dhintay Hal qof oo shacab ah.

Shacabka ku dhaqan degmadaasi ayaa la sheegay iney dhigeen dibadbax ballaaran oo arrintan ay uga soo horrjeedaan, waxaana taasi ay keentay in maamulka uu la safto shacabka, khilaafna meesha uu ka yimaado.

Xildhibaannada tagey degmada Jalalaqsi ayaa si kooban warrbaahinta ugu sheegay iney ku dedaalayaan in wax walbo la dhameeyo, meeshana laga saaro khilaafka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News