U bood dhigaalka

Xildhibaano Baaq u Direy Kenya iyo Itoobiya

Sheeko:Baarlamaanka

Koox xildhibaano ah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladaha Kenya iyo Itoobiya ku booriyey in ay ka laabtaan talaabooyin kala duwan oo ku saabsan xudduuda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxa ay xildhibaanada ka hadleen dowladda Kenya oo darbi ka dhiseysa xudduuda, gaar ahaan magaalada Balad Xaawo oo shacab badan ay ka banaan baxeen.

Waxa sheegeen in talaabada ay Kenya qaadday ay tahay mid aanan loo dulqaadan karin, islamarkaasina fadeexo ah “Kenya isku heli meyso in dhahdo ciidamo nabad illaalin ayaan Soomaaliya usoo dirney, haddana ay illaalin weyso waxyaabihii asaaska u ahaa qaranimada Soomaaliya iyo xuduudihii midoowga Afrika” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ku hadlay magaca guddiga arrimaha dibada baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ciidamada Liyuu booliiska ee dagaalada ka wada qeybo ka mid ah Galguduud, waxayna xildhibaanada sheegeen in dowladda Itoobiyo ay xasuuq ka waddoo deegaanadaasi, iyaga oo ku baaqay in la joojiyo.

Goobjoog News