U bood dhigaalka

Xildhibaano Difaacay Hab-raacii Warbixinta Gudd. Maaliyadda, Eedeeyana Guddoonka iyo Xukuumadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa  walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u  guddoomiyo.

Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri“Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”.

Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”.

Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”.

Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda

Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”.

Goobjoog News