U bood dhigaalka

Xildhibaano ka tirsan baalamaanka dalka oo maanta gaaray degmada Cabuudwaaq

Sheeko:War

Xildhibaano   ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud si ay uga qayb qaataan Nabadaynta maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay degmadaasi.

Xildhibaanadan waxaa kulankooda ku wehliya siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka qayb qaadanaya dejinta xiisadaha ka jira Degmada Caabudwaaq.

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo wafdigan ka hadlay waxa uu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo dhameynta wixii ka dhacay Degmadaasi.

Waxaa isasoo taraya madaxda ka tirsan dowladda eek u baaqaya joojinta colaada Cabudwaaq, Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xeseen Cali wehliye Cirfo ayaa kol hore ku baaqay in si nabdoon lagu dhameeyo dagaalka labada maleeshiyo ku dhex maray Cabuudwaaq.

Waxaa sidoo kale dhankooda ku baaqay joojinta dagaalka nabadoonada ku sugan gobolka Galgaduud oo la soo xiriiray Gobjoog FM.