U bood dhigaalka

Xildhibaano Xeer Illaaliyaha Ku Eedeeyey in uu Aflagaadeeyey Wasiirada , Sharciga ku Xadgudbey

Sheeko:Dalka
Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir
Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir

Gole ay leeyihiin xildhibaanada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Xeer Illaaliyaha iyo Hanti Dhawrka ku eedeeyey in ay sharci daro ku dhaqmeen, islamarkaasina warqadii ay shalay soo saareen loola jeedey in lagu ceebeysto golaha wasiiradda.

Waxa ay sheegeen in dastuurka uu qabo in golaha wasiirada hadda jira ay xilka iyaga sii heynayaan illaa xukuumad cusub laga soo dhisayo, islamarkaasina yihiin awoodda fulineed ee dalka ka jirta, safarna gali karaan haddii ay shaqadooda la xiriirto.

Waxa ay ku baaqeen in dacwad lagu soo oogo Xeer Illaaliyaha iyo Hanti Dhawrka Guud gefka ay galeen.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xassan oo u hadlay xildhibaanada ayaa sheegey in warqadan loola jeedey in shacabka loo tuso in golaha wasiirada ay yihiin kuwa tuugo ah, islamarkaasina la baxsanayaan hanta qaran.

Wuxuu madaxweynaha ugu baaqay in uu cadeeyo mowqifkiisa arrinkaasi ku aaddan.

Warqadda ay si wadajir ah usoo saareen Xeer Illaaliyaha Guud iyo Hanti Dhawrka Guud ayaa waxaa lagu sheegey in xubnaha golaha wasiirada aysan dalka dibada oga safri karin iyaga oo aanan xilka wareejinin.

Dhageyso

Goobjoog News