U bood dhigaalka

Xildibaan Cabdi Barre “Yaan La Mucaaradin Jubbaland Ee Hala Taageerro”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana 15-kii bishaan goobjoog u ahaa doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, ayaa ku baaqay in la taageerro maamulka Jubbaland oo aan la carqaladeyn.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in ay arkaan maamul horumarsan, islamarkaana u baahan in la taageero, sidaa darteedna ka shaqsi ahaan uu taageerayo Jubbaland.

Sharci ahaan ayuu sheegay in aysan jirin cid kala diri karta baarlamaanka Jubbaland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin qodob ka mid ah Dastuurka oo Baarlamaankaasi kala dirayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xalkii Soomaaliya ayaaba laga daba ordayaa ma ahan in maamul dhismay la burburiyo, Jubbaland waa maamul dhismay una baahan in la taageero” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ugu baaqay guud ahaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya in ay ku mashquulaan taageeridda maamulada dhismay, lana ilaaliyo wax walba oo colaad keeni kara.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragti ahaan ku kala duwan doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismaayo, xilli baarlamaanka uu horay u diiday jiritaanka baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoog News