U bood dhigaalka

Xilidhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud Oo Rajo Ka Muujiyay Mira Dhalka Wada Hadalka Dowladda Iyo Ahlu-sunna

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee dowladda xooga saareyso ay tahay sidii loo gaari lahaa heshiis islamarkaana lagu wada shaqeeyo hal mowqif.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in rajo wanaagsan laga qabo dhaqan galka wadahadalk u socda dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

“Sida runtii ah aniga hadda ma garan karo qodobadaasi, sababtuna aniga mas’uuliyadeeda ugu weyn waxa ay tahay markii wax un lagu kala istaago inaan isku dayo inaan isku soo jiido, laakiin waxa lgau wad ahadlayo iyo qaabka loo wada hadlayo waa arrin iyaga qaas u ah, illaa iyo hadda qodobo aan maqlay oo lagu kala istaagay ama culeys keenay ima soo gaarin, dabcan hadda wey dhici kartaa markii la wada hadlayo qodobada qaar aad bay u adkaanayaan, kuwana wey fududaanayaan, muhiimadda aan anaga leenahay waa in is afgarad la lahelo oo dowladda iyo dadka shacabka ah iyo Ahlu-sunna kulli wada shaqeeyaan, oo uu yimaadaa hal aragti oo lagu wada shaqeeyo, taas ayaana xooga saareynaa, waxaan rajeynayaan in wax la taaban karo ay kasoo baxaan”

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in uu daahay wada hadalka, hase ahaatee waxa uu hoosta ka xaqriiqay in wax walba la doonayo in laga dhaxlo qibrad si looga baaqsado in mardambe aanu soo noqon waxa dhalin kara is faham waa soo kala dhex gala dowladda iyo ahlu-sunna.

“Hadda kahor wada hadal baa dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Waljameeca oo wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka uu ku qaabilay xubnaha Ahlu-sunna magaalada Guriceel, wixii intaasi ka dambeeyay waxaa la sugaayay wixii lagu heshiiyay inay sii socdaan oo wada hadalka socdo, laakiinse waxaad moodaa inuu daahay, muhiimadda ma ahan wixii hore in la’isku eedeeyo macno gaar ahna ma sameynayso, laakiinse waxaa fiican in qibrad laga dhaxlo, iyadoona tixgalinteeda la siinayo waxa sababay in aysan socon heshiisyadii hore iyo caqabadaha yimaada”

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdisamad waxa uu sheegay in maamulada hadda la sameynayo dhammaantood ay yihiin kuwo KMG ah, islamarkaana ay sharci noqonayaan marka Baarlamaanka la hor keeno.

Goobjoog News