U bood dhigaalka

Xilli Dhow Twitter Oo Ku Ogeysiinaya Followers -kaaga Online-ka Ah

Shirkadda Twitter ayaa tijaabineysa design cusub oo ku aaddan falcelinta dadka isticmaala barta, waxaa dhawaan suuqa la soo gelinayaa Labo adeeg oo kala duwan oo mid lagu ogaanayo followers-ka internet-ka ku jira, halka midka kale lagula soconayo falcelintooda tooska ah oo hal meel la iskugu keenayo.

Sida uu faafiyay website-ka TOI ee dalka India, waxaa la sameynayaa isbedello cusub oo gaar ah loo isticmaalayo, adeeggan cusub ayaa la filayaa inuu u ekaado kan Facebook, arrintaas oo qoraallada lagu nidaaminayo.

Maamulaha fulinta ee shirkadda Twitter “Jack Patrick Dorsey” oo farriin soo dhigay bartiisa ayaa sheegay in isbedello baaxd leh dhawaan lagu sameyn doono barta. Waxaad heli doontaan adeegga “Connect” oo aad ku ogaandoontaan saaxiibadiin cidda internet-ka ku jirta, iyo kan labaad oo ah “Link” oo dadka isticmaala wadasheekaysigooda si isku xiran laguugu soo bandhigayo.

Sara Haider oo madax ka ah qeybta wax-soo-saarka Twitter ayaa tiri: “Waxaan dooneynaa inaan hubinno in dadka adeegsda ay xakameyn dhammeystiran ku sameyn doonaan Tweets-kooda”.

Goobjoog News