U bood dhigaalka

Xilwareejinta Guddoonka Golaha Shacabka Oo Maanta Dhaceyso

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay kadib doorashadii guddoonka golaha shacabka.

Mudanayaasha ayaa xalay loo diray farriimo ku aadddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta oo uu ajendahiisu yahay xilwareejinta guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka iyo khudbadaha xubnaha gudoonka cusub.

Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa dhawaan doortay guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa maalinta beri ah yeelanaayo kulanka guud ee golaha.
Agendaha
1. Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.
2. Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad
3. Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad
Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Goobjoog News