U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Oo Is Badal Weyn Ku Samaynayo Kooxda Kaga Qeybagalys Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobalka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

 Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socda qorshe ay ku doonayaan horomarinta kooxda kaga qey galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la rajaynayo in la qabto dhamaadka sanada 2019.

“Waxaa iminka gacanta ku haynaa ilaa 30 ciyaartooy oo aan kasoo xulnay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug ee aan qabnay bishii September 2018 waxaana kaloo u baahan nahay tiro kale ka dibna waxaana ka xulandoonaa xirfadlayaasha ugu tirada wanaagsan kuwaas oo guul u soo hooyi kara shacabka reer Galmudug” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa).

Sanadihii 2016 & 2017 oo ay kooxda Galmudug ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa waxa ay ku dhamaysteen kaalamaha ugu hoosaysa,iyadoo dadka reer Galmudug ay aad uga xumaadeen qaabka ciyaareedka llita ay kusoo bandhigeen garoomada kubbadda cagta caasimada Muqdisho oo tartanka marti geliyay.

“Is badal weyn ayaan ku samayndoonaa kooxda Galmudug waa in aan wax badan ka barnaa casharadii hore ee kaalmihii liitay ee aan teegsanay labadii sano ee lasoo dhaafay iminka wasaarada ciyaaraha waxa ay xooga saaraysaa in ciyaartooyda matalaysa Galmudug laga soo xulo dhamaan deegaanada maammulkeena”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug.

Iminka degmooyinka Galmudug waxaa ka socda dib u dhiska garoomada kubbadda cagta taas oo ay dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ay u arkaan mid dabooli karta baahida ay qabaan ciyaartooyda matalaysa Galmudug maadaama ay tababar ku qaataan goobo aan u wanaagsan jirka ciyaaryahanada.

“Isku tashi ayaan ku dhisanaynaa garoomada kubbadda cagta Galmudug waxaana xooga saaraynaa in qaar ka mid ah garoomada ay iminka shaqada ka socoto gudaha sanadkan xariga laga jaro,iyadoo loo dhisidoono qab casri ah waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug.

Dhinaca kale macalimiin badan ayaa doonaysa laylinta Galmudug waxaan horomuud u ah macalinkii hore xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare,isagoo dhinaca faramsada kaalin weyn ka qaatay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug sanadkii lasoo dhaafay 2018.

“Macalin Farayare waxa uu kasoo jeedaa Galmudug hadii xitaa uu tababaraha 1aad noqonin waxaa qorshaynaynaa in uu door wacan ka ciyaaro soo xulista iyo dhiiri gelinta macalimiinta waxaanse u arkaa fursad weyn hadiiba uu naga o gaadlo qabashada shaqadaa madaama uu iminka qeyb weyn ka yahay waxaaada farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas markale Goobjoog u sheega Cabdifitaax Cabdullahi Warsame oo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Is Badalka Kooxda Galmudug

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/852114491806274/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle