U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Oo Sameeyay Isku Aadka Tartanka Horyaalada Iskuulada 2019

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa  magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabada lagu samaynay isku aadka tartanka kooxaha horyaalka heerka 2aad ee da’yarta iyo sidoo kale ciyaaraha iskuulada Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galayaan ilaa 14 iskuul waana sanadkii 4aad uu xiriirka tartanka hergelinayo,iyadoo hadafka laga yahay uu yahay in la helo ciyaartooy ku wanaagsan dhinaca wax barahada iyo ciyaaraha kubbadda cagta .

Guddoomiyaha dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Maxamuud Xirse ayaa sharxaada ka bixiyay marxadii kala duwnaa uu soo maray horyaalka iskuulada iyo sanadka waxyaalaha ku cusub ay soo kordhiyeen waxaada horomarinta dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa iskuulada ka qeyb galaya tartankan kula dardaarmay in ay garoomada la yimaadaan ciyaar ku dheehan anshax si looga helo ciyaartooy aad u xirfad saraysa oo ka qeyb qaadata kobaca kooxaha kubbadda cagta gudaha iyo heerarka kala duwan ee xulka qaranka Soomaaliya.

Ismaaciil Suleymaan oo iminka u ciyaara kooxda L.L.P Jeenyo iyo Mahad Xuseen Basey oo isna ka mid ah naadiga Heegan ayaa qeyb ka ahaa xidigihii kusoo baxay tartanka,iyagoo sanadkii lasooo dhaafay 2018 Soomaaliya kaalinta 2aad la gaaray tartankii 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Africa ee ka dhacay wadanka Burundi waxayna ciyaartooyda dhalinyarada iskuulada  kula dardaarmeen in ay xoog saaraan waxbarashada iyo ka qeybgalka taramada kubbadda cagta gudaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in sanadaha soo aadan ay xooga saaridoono horomarinta dhalinyarada guud ahaan Soomaaliya cid walbad oo doonaysa horomarka kubbadda cagta ay diyaar u yihiin ay soo dhawaynayaan.

Guddomiyaha Garsoorka Soomaaliya ahna guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in xiriirka kubbadda cagta dalka uu sanadba sanadka danbeeyo uu ku tilaabsanayo horomar loona baahan yahay in siwada jior loogu qeyb qaato si looga tartamada xiriirada kale ee caalamka.

Gabagabdii munaasabada guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad  celiyay iskuuladii ka qeyb qaatay sanadiihii lasoo dhaafay,isagoo sheegay mira dhalka tartanka da’yarta iskuulada laga arkay koobkii Bariga iyo baratamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi iminka uu xiriirka qaatay qorshaha horomarinta dhalinyarada ee loo yaqaano (Grass Root).

Si kastaba tartanka iskuulada Sanadkii lasoo dhaafay waxaa ku guulaystay xidigaha iskuulka 20-December waxaana isha lagu hayaa kooxdii loo caaleema saarihaa sanada 2019.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Isku Aadka Tartanka Iskuulada

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/276189416603315/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle