U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Ayaa Dhagax Dhigay Garoonka Waamo Ee Jubaland

Sheeko:Cayaaraha

Taageerayaasha kooxaha kubbadda cagta Jubaland ayaa dhib weyn ku qabay daawashada tartamo kala duwan ee lagu qabto garoonka Waamo waxaana cabashada ay qabeyn dhallinyarada iyo bahada ciyaaraha ka jawaabaya madaxda xirirka kubabdda cagta Soomaaliya,iyadoo madaxaweyne ku xigeenka maamulka Jubaland iyo Xiriirka Kubbadda cagta Soomaiya ay dhagax dhigeyn mashruuc dib habeynta garoonka Waamo waxaana arintan soo dhaweeyay dhallinyarada iyo bulshada Gobolka Jubada Hoose.

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhallinyarada Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in tani ay kor u qaaday kobaca iyo horomarka kala duwan ee kubbadda cagta Jubaland.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka uu ku mashquulsan yahay wax ka qabashada garoomada kubbadda caga Maamul Goboleedyada howshan uu kaga mahad celiyo xiriirka kubbadda cagta addunka ee FIFA.

Madaxwayne Ku Xigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugga dheere) ayaa sheegay in ay muuqanayso bilicda iyo iftiinka kubbadda caga Jubaland ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlaha lagu horomariyo deegaanada Jubaland.

Si kastaba Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa 17 September 2018 balanqaaday in uu dib u habeyn uu ku sameyndoono garoonka Waamo oo ah kan ugu maamulka Jubbaland waxaana bahda ciyaaraha ay arinta kaga mahad celiyeen madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Kan maamulka Jubbaland oo is kaashanaya waxaana mashruuca dib u dhiska ka taageeraya hayada kubbadda cagta Aduunka ee FiFa oo Soomaaliya ka taageeraysa horomarinta iyo qurucinra garoomada.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhagax-dhiga Garoonka Kubbadda Cagta Waamo

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/132262014786481/