U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Diyaar Ma U Yahay in Uu Ka Faa’ideesto Maskaxda Qurabjoogta Ee Bartay Xirfaddaha Isboortiga

Sheeko:Cayaaraha

Iyadoo xulka qaranka dalkeena Soomaaliya uu koboc iyo natiijo wanaagsan kasoo hooyay tartamada qaarada Afrika sanadii 2018 waxaa jira dalbyo ku aadan macalimiin doonaysa hogaaminta ciyaartooyda xulka waxaana qeyb ka ah Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon oo iminka layliya kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka afaraad ee wadanka Sweden.

Axmed Xasan Xidig oo aqoon fog u leh Macalin Maxamed ayaa sheegay in laylinta xulka qaranka uu kasoo bixi karo aqoon ahaan uuna ku dhiiri gelinayno in uu fuliyo qorsha horomarinta qaranka Soomaaliya.

Tababare Maxamed Cabdiqaadir oo mudo dheer ku noolaa qurbaha ayaa waqti ku bixiyay aas aasida kooxda Som United,isagoo kasoo bilaaway meel hoosaysa,balse iminka ay Som United ka mid tahay naadiyada ka dheela horyaalka afaraad ee Sweden Macalin Maxamed inta uu ku noolaa qurbaha waxa uu kordhiyay xirfadiisa tababarnimo,isagoo shahaadooyin kala duwan ka qaatay Xiriirka kubbadda cagta dalka Sweden.

Guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa qeexay in Maxamed Cabdiqaadir uu lee yahay awoodo maskaxeed wixii uu kusoo bartayna qurabaha uu ugu faa’ideen karo dalkiisa isaga iyo dhalinyarada la midka ah ee qurbajoogtana looga baahanyahay in maskaxdooda ay ugu faa’ideeyaan geed socodka iyo horomarka xulka Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa da’daal ku bixinaya qorsha horomarinta xulka qaranka Soomaaliya si shacabka Soomaaliyeed loog keeno guulo waaweyn ee dhinaca ka qeybgalka tartamada caalamka CabdiWali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka mid macalimiinta goolhayaasha farsmada xiriirka horayna ugu soo dheelay xulka qaranka ayaa arinta ku bogaaiyay Macalin Maxamed iyo dhalinyarada xirfadale ee qurbajoogta.

Tababare Maxamed Cabdiqaadir oo la ahdlay Goobjoog Sports waxa uu sheegay in isboortiga Soomaaliya  sanadihii lasoo dhaafay uu ku tilaabsaday horomar aad u saraya,isagana uu kaalintiisa ciyaaridoono si mustaqalka loo gaaro guulo waaweyn oo wax ku ool ah.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Macalin Maxamed Cabdiqaadir

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2283337981993320/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle