U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Daah Furay Tartanka Iskuulada Gobolka Banaadir 2019

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa sanadkii afaraad caasimada Muqdisho ka furay tartanka kubbadda cagta Iskuulada Gobolka Banadir oo ay ka qeybgalayaan ilaa 14 Iskuul waxaana munaasabada lagu waynayay furitaanka iyo dhiiri gelinta dhalinta ka qeybgalaysa tartankan lagu qabtay garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyeenta xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan uu tartanka wax badan ka badalanyahay sanadihii hore Iskuulkii ku guulaystana uu Xiriirka ka helayo abaal marino qaali ah.

Guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ahna guddoomiyaha garsoorka Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa waalidiinta caruurta ka qeybgalaysa tartanka Iskuulka kula dardaarmay in ay ilmahooda ku dhiiri geliyaan ka qeybqaadashada tartamada ciyaaraha Soomaaliya.

Guddomiyaha Xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyay iskuuladii ajiibay ka qeybgalka ciyaaraha Iskuulada wuxuuna intaa ku daray in xiriirka uu iminka qaatay siyaasada ah in la helo ciyaartooy ku wanaagsan dhinac wax barashada iyo kubbadda cagta si dhalinyarada doonaysa ciyaaritsa kubbadda cagta loo dhiso mustaqbalka ciyaareed  wanaagsan.

saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu xariirka hergeliyay tartanka da’yarta waxaa kasoo baxay tiro badan oo xirfadlayaal ah iminka waxa ay qeyb ka yihiin kooxaha kubbadda cagta gudaha iyo xulka qaranka Soomaaliya waxaana lagu xasuustaa da’yartii 17-jirada ee kaalinta 2aad ka galay ciyaarihi Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi.

Basma Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir ayaa ciyartooyda ka qeyb galeysa tartanka kula dardaarantay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag.

Si kastaba kulankii furitaanka waxaa wada dheelay iskuulada kala ah Cali Xuseen iyo Al Ansaar waxaana 2-1 ku guusha qaatay xidigaha Cali Xuseen oo ku yaalo degmada Wadajir.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Oo U Furmay Tartanka Iskuulada 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/574675216351017/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle