U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Dadaal Ku Bixinaya Horomarinta Xiriirada Maamul Goboleedyada

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa socda dadaallo aan kala joogsi lahayn oo lagu doonayo in lagu horumariyo ciyaaraha kubadda cagta ee maamul goboleedyada.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo ay ka go’an tahay sarre u qaadista kubadda cagta guud ahaan dalka ayaa masuuliyiin ka socda waxa ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Gabeed Soomaaliya.

Jamaal Xaashi oo ah xubin ka tirsan guddiga hormarinta gobollada xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo Kaaliyaha Xoghayaha Maxamed Deeq ayaa ku sugnaa Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

U jeedka kor meerka Jamaal ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo kala ah hubinta hanaanka ay u shaqeeyaan xiriirrada, in kooxaha la dhiso loona qabto Tartamo, in laga shaqeeyo sidii caws macmal ah loo dhigi lahaa garoonka Dr. Ayuub iyo qodobo kale.

Jamaal Xaashi oo ka qeyb galay kullan kubadda cagta ah oo ka dhacay garoonka Dr. Ayuub yiri: “Waxaan u mahad celinayaa xiriirka kubadda cagta iyo Wasaaradda ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan hormarka kubadda cagta.

“Waxaan madaxda xiriirka dalka hor dhigi doonaa shaqooyinka adag iyo sida ay idinkaga go’an tahay horumarrada aad ka gaareysaan isdhex-galka dhallinyarrada.” ayuu yiri Jamaal Xaashi oo hadal ka hor jeedinayay masuuliyiinta Isboortiga Koofur Galbeed iyo boqolaal dhalinyaro ah.

Ugu dambeyn Jamaal oo ka tirsan guddiga horumarinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo xiray in dhowaan Magaalada Baydhabo ay ku qaban doonaan Siminaar sare loogu qaadayo tayada Macallimiinta, Garsoorka iyo ciyaatooyda.

Mahad Shariif