U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Waqti Ku Bixinaya Horomarka Maamul Goboleedyada

Sheeko:Cayaaraha

10 bilood oo iminka laga jooga dib u doorashadii madaxada xariirka kubbadda cagta Soomaaliya waxaa is badal iyo hufnaan lagu sameeyay hanaanka shaqo,iyadoo la abuuray guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya horomarinta kubbadda cagta guud ahaan Soomaaliya, si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta.

Guddiga arimaha horomarinta gobolada waa mid ka mid ah kuwa ugu shaqada badan guddiyada la dhisay waxaana hogaamiye u ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur,isagoo Goobjoog u sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay qabteen shaqo adag.

Dhowr jeer ayay safar shaqo ku tageen maamulada Hirsahabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland Galmudug iyo Puntland waxayna la kulmeen guddooomiyahaasha X.K.Cagta guddoomiye Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay in gobolada laga her geliyay xafiis ay ku shaqeeyaan ururada kubbadda cagta maamul goboleedyada,taasoo aheyd shaqadii ugu horeesay ay qabteen guddiga arimaha horomarinta maamulka Goboleedyada ee la dhisay.

Xiriirka kubbadda cagta waxa uu juhdi ku bixinayaan in maamul goboleed kasta loo qabto tartamo ciyaareed ka dibna halkaa laga helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo ka qeyb qaadan karta kobaca xulka qaranka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa Goobjoog u sheegaya in gobolada ay joogaan dhallinyaro badan oo leh xirfad sare.

Guddoomiye Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed waxa uu bahda ciyaaraha dalka iyo dibadda u soo jeediyay in laga wada qeyb qaato dhisidda iyo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya,si kooxaha iyo xulka qaranka ay u noqdaan kuwa guulo waaweyn ka gaaro tartamada kala gedisan ee caalamka.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2175381019429475/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle