U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Xarigga Ka Jaray Xafiisyo Ay Ka Her Geliyeen Hirshabeelle

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw iyo wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar ayaa si wadajir Magaalada Jowhar xarigga uga jiray xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta maamulka Hirshabeele.

Madasha waxaa sidoo kale xaadir ku ahaa mas’uuliyeen ka socotay xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan Hirshabeele,kooxaha,garsoorayaasha ciyaaraha,bulshada deegaanka iyo madaxa ka tirsan maamulka Hirshabeele,iyagoo aad u soo dhaweeyay mashruucan.

“Waa ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad u qalabeeseen xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta Hirshabeele waxaan idinka sugaynaa bilaha soo aadan dhisidda kooxaha heerarka kala duwan iyo aqoon kordhinta garsoorayaasha maamulkeena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyrada maamulka Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar.

Bulshada Magaalada Johwar ayaa u mahad celiyay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,iyagoo kula dardaarmay horomarinta isboortiga ay kaalin wanaagsan ka qaadanayso kobaca Soomaaliya iyagana ay diyaar u yihiin in laga shaqeeyo horomarinta ciyaaraha Hirshabeele iyo in xirfadlayaasha ku nool gobolkan ay helaan ka mid noqoshada xulka qaranka,maadaama gobolkan uu wiligii caan ku ahaa ciyaaraha.

“Xariiga jar ka dib waxaan la kulnay bulshada magaalada Jowhar waxaana ka dhagaysnay talooyinkooda muhiimka ah ee ku aadan kubbadda cagta dalka wixii aan kasoo aruurinay oo aragtiyo ah waxaan la wadaagi doonaan madaxda xiriirka Soomaaiyeed ee kubbadda cagta”waxaa sidaas yiri Abuukar Isloow oo ah guddoomiye ku xigeenka arimaha horomarinta maamul Goboleedyada ee xiriirka kubbadda cagta dalka.

Bishii lasoo dhaafay April Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine)  ayaa magalada Baydhabo xariga kaga jaray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

“Waa inoo guul in shantii bil ee ugu horeesay 2019 wafuud ka socota xiriirka ay gaaran maamul Goboleedyada si wax looga qabto baahiyaha ka jira gobolada dalka waxaa diiradda saaraynaa balamihii aan lawada galnay xiriirada maamul Goboleedyada in aan u fulino si buuuxda 100% haduu eebe idmo”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiyaha horomarinta gobolada ahna guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Si kastaba sababaha loo furayo xafiisyada ururada horumarinta kubbadda cagta xiriirada maamul goboleedyada ayaa ah in ay fududeeyaan shaqooyinka kala dhaxeeyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya in ay helaan mashaariicda laga helo xiriirka aduunka ee FIFA.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle