U bood dhigaalka

Xiriirka TEQBALL Oo Soomaaliya Ku Soo Biiray

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka TAQBALL oo aduunka ku soo biiray sanadii 2012 ayaa laga daah furay magaalada Muqdisho, waxaana xiriirkan Soomaaliya ka hergeliyay Macow Xuseen Xasan oo horay kaga soo ciyaaray Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya, waxaana munaasabada shaacinta Xiriirkan kasoo qeybgalay madaxda ka tirsan Dowladda iyo laacibiintii hore dalka.

Xiriirka TAQBALL waxaa aas aasay muwaadiniin kasoo jeeda dalka Hungary, waxaana hada aqoonsan Olombikada Afrika iyo Assia, waxaan si rasmi ah loo daah furay 16-October 2018 waxaan daah furay laacibkii hore kooxda Barcelona iyo dalka Brazil Ronaldo de Assis Moreira, isagoo hada ah safiirka caalamka ee Xiriirka TEQBALL, madaxda Dowladda iyo laacibiintii hore dalka ayaa u mahadceliyay Macow Xasan Xuseen oo Xiirkan keenay Soomaaliya, wuxuuna Xiriirka TEQBALL fursad u yahay dadka baahiyaha gaarka qaba in ay kasoo muuqdaan dhacdooyinka ciyaaraha dalka iyo dibadda.

Yaasiin Maax oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha dalka ayaa sheegay in loo baahanyahay in garab la siiyo Xiriirada TEQBALL iyo Xiriirada kale ee ka dhisan Soomaaliya, si mustqbalka loo gaaro guulo waaweyn.

” Ciyaartooydii hore Gabdhaha waxay soo dhawaynaynaa Xiriirka TEQBALL, waxayna diyaar u yihiin garab istaagida madaxda Xiriirkan ku soo biiray Soomaaliya” ayay munaasabada ka sheegtay Asli Carfaaye Cumar oo horay ugu ciyaartay kooxaha kubbadda Kolayga Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Majabe oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay is caawiyaan Xiriirada dalka, isagoo bahda isboortiga kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan caawinta xidigihii hore Soomaaliya oo qaba baahiyo kala duwan.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi ayaa munaasbada daah furka Xiriirka TEQBAAL ka sheegay in ay soo bataan Xiriirada, isagoo sheegay hadii ay bataan dhacdooyinka ciyaaraha fursado badan ay helayaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo leh xirfado kala duwan oo cajiib ah.

Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan ayaa bahda isboortiga ku dardaarmay in lala shaqeeyo Xiriirka TEQBALL iyo dhamaan Xiriirada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka, wuxuuna sheegay in isaga uu diyaar u yahay garabsiinta dhamaan Xiriirada Wadanka.

Guddoomiyihii hore Olombikada Soomaaliya Cabdiqaadir Ibaarhim Gacal (Abkow) ayaa sheegay in ay waajib tahay in dhaqaalo la geliyo isboortiga dalka, wuxuuna bahda ciyaaraha ku dhiirigeliyay in ay soo dhaweeyaan sidoo kalane ay caawiyaan Xiriirka TEQBALL oo ku soo biiray Xiriirada dalka.

“Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa Xiriirka TEQBALL” ayuu munaasabada ka sheegay Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Xamse Saciid Xamse.

Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah wakiilka dhalinyarada iyo ciyaaraha xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaalliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Raysal Wasaare Roooble ay ka go’antahay dhiirigelinta Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna mudane Cabdiqaadir Qooje uu balanqaaday in ay garab istaagayaan Xiriirka TEQBALL.

Guddoomiyaha Xiriirka TEQBALL mudane Macow Xuseen Xasan ayaa sheegay in sabaha uu Xiriirka u aas aasay ay tahay in fursad ay helaan dhalinyaarad baahiyaha gaarka qaba, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida Xiirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Xiriirka TEQBALL

Sidoo Kale Aqriso Warar Kale

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdiqaadir-macallin-qooje-waxaan-diyaar-u-ahay-caawinta-dhamaan-xiirirada-kale-ee-ka-dhisan-dalka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinl