U bood dhigaalka

Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017 oo La Ansixiyey Xilli Xukuumadda Kheyre Ay Lacag Ku Maqan tahay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta waxaa ay anisixiyeen xisaab xirka miisaaniyadda 2017.

Codeynta dhacday waxaa ay u dhacday:

128-Xildhibaan oo golaha shacabka ah ayaa ogolaatay

8-Xildhibaan ayaa diiday

5-Xildhibaanna waa ay ka aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday

Maalmo kadib, waxaa golaha la hor keeni-doonaa miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $459.5 milyan iyada oo la heyn xisaab xirka miisaaniyadaha 2018 iyo 2019.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Faceboogga ku qoray “33 million iyo 700 kun dollar oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017!

Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay.

Goobjoog News