U bood dhigaalka

Xisbi Siyaasadeed Oo Looga Dhawaaqay Muqdishu

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”74″]

Waxaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho xisbi cusub oo siyaasadeed kaas oo lagu magacaabo Daljir. Xaflada looga dhawaaqayey ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha xisbiga, xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada.

Bilawgii xafladaas ayaa lagu sheegay in 150 xubnood oo mataleyey xubnaha xisbiga ee gobolada dalka ay isugu yimaadeen 26-kii ilaa 28-kii nofeembar ee sannadkan shirweyne ka dhacay magaalada Muqdishu kaas oo lagu ansixiyey dastuurka ururka, laguna doortey xubnaha hoggaanka xisbiga.

Waxaa sidoo kale looga dhawaaqay munaasabada in Mudane Xasan Macalin Maxamuud loo doortay gudoomiyaha xisbiga Daljir halka ku xigeeno loo doortay Cabdishakuur Mire Aadan, gabar la yiraahdo Hana Cabaas Cusmaan iyo Dr. Aadan Sheekh Ibrahim Daud. Waxaa sidoo kale xoghayaha guud ee xisbiga loo doortay Xasan Xaaji Ibraahim.

Mar uu khudbadeynayey ka soo qaybgalayaasha ayuu sheegay mudane Xasan Macalin in laga soo gudbey xiligii qabiilka, lagana gudbayo kii goboleysiga, wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dadka aragtidooda ay si xor ah u cabiraan.

Xasan Macalin waxa uu ballan qaaday in xisbiga Daljir uu u ololeyn doono sidii nidaamka xisbiyada badan looga hirgelin lahaa dalka, wuxuuna rajo ka muujiyey in sharciga horyaala baarlamaanka ee xisbiyada la meel marin doono dhowaan.

“Waqtigii baarlamaanka waxaa lagu lumiyey waxyaabo aanan mudnaanta koowaad lahayn, aniga ma doonayo mooshinadan badan ee madaxda lagu ridayo, waxaan dooneynaa in baarlamaanka qabsado hawlaha shaqo oo kale ee u yaala” ayuu yiri Xasan Macalin.

Waxa uu intaas ku daray “Xisbiga Daljir waa mid wadani ah, dadka oo dhana uu u furanyahay, kana turjumo rajooyinka iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed”.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xaflada xubnaha ergada xisbiga kuwaas oo matalayey gobollada dalka iyo xubno ka tirsan qeybaha kala duwan ee ururada bulshada Soomaliyeed.

Wariyaha Goobjoog FM Cabdifitaax Kalgacal oo goobjooge ka ahaa halka ay xafladu ka dhaceysey oo su’aalo dhowr ah weydiiyey gudoomiyaha xisbiga cusub ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaliya ayuu u sheegay in xisbigaan uu yahay mid ay ku mideysan yihiin qaybaha Soomaalida oo dhan.

Guddoomiyaha xisbiga oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa sheegey in hawlgalkiisa uu ka bilaabayo caasimadda, balse si dhaqso ah uu uga hawlgeli doono xoojinta iyo dardar gelinta laamaha xisbiga ee gobolada isla markaasna la dhisayo golayaasha kala duwan ee xisbiga.