U bood dhigaalka

Faahfaahin: Xisbiga AKP oo Aqbaliyad weyn Ku Guuleystay Doorashadii Turkiga

Sheeko:Caalamka

Xisbiga talada haya ee AKP ayaa guulweyn ka gaaray doorashadii baarlamaaniga aheyd ee maanta ka dhacday dalka Turkiga.

Codadkii la tiriyay  AKP ayaa ku guuleystay in ka badan 50% , taas oo ka dhigan in uu helay in kabadan 316  Xildhibaan, Xisbiga ayaa u baahnaa 276 Xildhibaan lakin waxaa uu helay kuraas ka badan intii uu doonayey, waxaa uu helay 4 Milyan cod oo dheeraad ah.

Ra’isul Wasaare Davutoğlu oo dadweyne badan kula hadlay goobta uu ku dhashay, Codkana uu saakay ka dhiibtay ee Konya ayaa sheegay in ay guushan tahay “Guul Dimoqoraadiyad”

Ankara iyo Xarunta Xisbiga waxaa ku soo xoomay dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo ku faraxsanaa guusha xisbiga AKP, iyagoo halkaas ku qaaday heeso, Macmacaana qeybinayey, dadkan oo aad u faraxsanaa ayaa sidoo kale waxaa ay lahaayeen’Alahu Akbar”

Xisbiga Peoples’ Democratic Party (HDP) ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dalka in uu kala qeybiyay umadda si ula kac ah.

Doorashadii Dhacday Bishii June 7da, Justice and Development Party (AK party)  waxaa uu lumiyay taliska 13 sano uu dalkaas kaligii maamulayey, waxaa uu sidoo kale ku guuldaerstay in uu sameeyo dowlada wadaag.

Xisbiga AK waxaa uu helay 258 kursi, kuraasta Baarlamaanka Turkiga sida aan sheegany waa  550, waxaa 80 kursi ka helay Baarlamaanka Peoples’ Democratic Party (HDP), xisbigana  pro-Kurdish party

Republican People’s Party (CHP)  waxaa uu helay 131 kursi halka Nationalist Action Party (MHP) uu helay 8o Kursi.

Yaa Ku Tartamay Doorshada:

Justice and Development party (AKP)

Waa hogaamiyaha Axsaabta  conservative-ka, Waxaa uu hayaa talada dalkaas tan iyo markii uu ku guuleystay  doorashadii 2002.

Hadda waxaa Madax ka aha Ra’isul Wasaaraha dalka Ahmet Davutoğlu xilkaas uu qabtay markii uu baneeyay Madaxweyne  Erdoğan.

Republican People’s party (CHP)

Xisbigan waxaa aasaasay aabihii Turkiga Mustafa Kemal Atatürk sanadkii 1923, waxaa Xisbiga u faca weyn dalka Turkiga, waxaa hogaamiya Kemal Kiliçdaroğlu.

Nationalist Movement party (MHP)

Waa Xisbiga 3aad ee ugu weyn dalka Turkiga, waxaa lagu sheegaa in uu yahay mid siyaasadihiisa ay yihiin Midigta fog, waxaa loogu yeeraa the Grey Wolves, waxaa hogaamiya Devlet Bahçeli.

People’s Democratic party (HDP)

Waxaa la aasaasay 2012kii, waxaana hogaamiya Selahattin Demirtaş iyo La Guddoomiyaha Haweneyda  Figen Yüksekdag, waxaa Xisbi Siyaasadihiisa lagu sheego , waxaa uu xuquuq badan siiyaa haweenka oo gaaraya 50%.

Erdogan oo Imtixaanka ku Baasay: 

Doorashada Baarlamaaniga ah ee maanta ka dhaceysay dalka Turkiga waxaa ay imtixaan ku aheyd shacbiyadda  madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa doonaya in dalka Turkiga uu ku maamulo presidential state ama Nidaam Ri’aasi ah, kaas oo awoodo badan siinaya Madaxweynaha dalka.

Dadka Cadawga ku ah Erdogan iyo Xisbigiisa Justice and Development (AK) Party   waxaa ay ku andacoonayaan in ninkan uu doonayo Nidaam Islaami ah oo Mayal adag in uu ku xakumo dalka Turkiga.

Xisbgiisa Justice and Development (AK) Party ee Recep Tayyip Erdogan waxaa Turkiga ka talinayey  ilaa 2002-dii, 11 sano ayuu ahaa Ra’isul Wasaaraha Turkiga halka Bishii August 2014 loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas.

Waa Kuma Recep Tayyip Erdogan: 

Waxaa uu dhashay 1954, city of Rize oo ku taala Xeebta  Black Sea, Aabihiis ayaa go’aansaday inuu dego Istanbul si caruurtiisa shanta ah ay u helaan waxbarasho.

Yaraantiisii waxaa cabitaan iyo Bajiye ku iibin jiray Wadooyinka Istanbul si uu lacag dheeraad ah u helo, Waxaa uu dhigan jiray iskuulo Islaami ah inta aanu baran cilmiga maamulka Jaamacadda Marmara University ee magaalada Istanbul.

Intii uu Jaamacadda ku jiray ayey is barteen Najmu Diin Arbakaan oo markii dambe noqday R/wasaarihii Islaami ah ee ugu horeeyay dalka Turkiga.

Erdugan waxay markii ugu horeysay sharciga isku dhaceen isagoo ka shaqeeya shirkadda Gaadiidka halkaas ninkii madaxda ka ahaa uu ku armay inuu garka xiiro tiiyoo keentay inuu iscasilo.

Erdugan waxaa uu ku biiray xisbiga Welfare party, waxaa uu noqday duqa magaalada Istanbul 1994-tii ilaa 1998. , Istanbul hor-umar ayuu gaarsiiyay in kastoo dadka cilmaaniyiinta ay ku dhaliileen markii uu xarimay khamriga, sidoo kale waxaa lagu amaanay in aanu aheyn nin musuqa yaqaano arintan uu kusoo jiiray dad badan reer Turkiya ah oo diinta jecel.

Waxaa uu ahaa xubin Baarlamaan mudadii u dhaxeysay 2003 ilaa  2007 Waxaa uu dhalay afar caruur ah, xaaskiisa  Emine Erdoğan.

Erdugan ayaa 10 bil oo xarig ah lagu xukumay kadib markii uu ku gabyay Gabay micnahiisu ahaa” Maajiska waa dhufesykeena, Mu’miniintana waa Ciidankeeda” in kastoo 4 bil markii uu xirnaa lasii daayey.

Xisbigiisa Cadaaladda iyo Hor-umarka ee ardugaan waxaa uu si aglabiyay ku guulaystay doorashadii dhacday 2002-dii dalka turkiga halkaas waxaa ku baxday cabsidii laga qabay Islaamiyiinta.

Waxaa loo doortay R/wasaare dalkaas Turkiga March 14, 2003, Recep Tayyip Erdogan, kadib hor-umarkii uu dalkaas gaarsiiyay ayaa keentay in tobankii bishan loo doorto madaxweynaha dalka Turkiga, maanta la dhaarinaayo.

Bishii August 2014 ayaa loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas.

Goobjoog News,