U bood dhigaalka

Xisbiga CORD oo dalbaday ogaanshaha tirada askarata Kenya uga dhimatay Soomaaliya

Sheeko:War
raila cord
Guddoomiyaha xisbiga CORD, Raila odinga

Xisbiga mucaaradka dalka Kenya ayaa ka dalbaday dowladda uu hogaamiyo madaxwayne Uhuru Kenyatta in   ay soo gudbiso tirada askarta Kenyaanka ee ku geeriyootay  howlgalka AMISOM ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha xisbiga CORD ahaana ra’iisul wasaarihii dalkaas Raila Odinga ayaa sheegay in   keliya ay maqlaan geerida askartooda, hase ahaatee aan lahayn tirada ku geeriyootay howlgalka.

Odinga waxa uu mar kale ka dalbaday dowladda Kenya in dalka laga saaro ciidamada oo uu sheegay in ay ka qayb qaadan karaan ammaanka magaalooyinka dalkaasi oo marar badan qaraxyo ay ka dhaceen.

Xisbiyada mucaaradka Kenya ayaa dhowr jeer ku baaqay in laga soo saaro ciidamada uga sugan Soomaaliya, waxaa sidoo kale soo baxay hadal dhawaan uu sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas kaasoo tilmaamay in baarlamaanka Kenya uu dhowaan ka hadli doono suurto galnimada ah in ciidanka Kenya dib looga saaro Soomaaliya.

Wararka Goobjoog news