U bood dhigaalka

Xisbiga Daljir Oo Soo Dhaweeyay Meelmarinta Baarlamaanka Ee Sharciga Axsaabta

Sheeko:Dalka

Xisbi siyaasadeedka Daljir ayaa soo dhaweeyay meelmarintii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sharciga Axsaabta.

Xoghayaha Xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ka xisibi ahaan meelmarinta sharcigan.

Waxa uu sheegay in baarlamaanka uu lasoo daahay meelmarinta sharcigan, balse hadda ay tahay guul la gaaray.

Sharcigan ayuu sheegay in faa’idooyin badan u leeyahay dhammaan xisbiyada dalka ka dhisan.

Kulan maanta xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isugu yimaadeen ayeey ku meelmariyeen sharciyo dhowr ah kana mid yahay midka Axsaabta dalka.

Goobjoog News