U bood dhigaalka

Xisbiga Dimuqraadiga Wadaniga Soomaaliyeed “Madashaan La Dhisay Dastuuri Ma Ahan, Waana Diidannahay”

Sheeko:Dalka

Xibsiga Dimuqraadiga Wadaniga Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee Madasha Wadatashiga doorashooyinka 2016.

Xoghayaha guud ee xisbigaasi Xasan Maxamed Saciid oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Jimcaale ee Goobjoog FM, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay qalad u arkaan shirkaasi, islamarkaana lagu lumiyay waqti iyo qarash badan.

Waxa uu sheegay in marka hore shirkaasi aan loo dhameyn islamarkaana ay wadatay koox gaar ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa Mashruuc gaar ah oo Qaramada Midoobay wadato sida aan u aragno, waxaa meesha ka muuqato Road Map cusub, iyadoo dalka ay hay’adihiisa shaqeynayaan, dad gaar ah ayaa howshaan wato, waana la ogyahay in hadda maamul gobaleedyada la’isku dheggan yahay, waxa la qabanaya waa howshii looga baahnaa baarlamaanka iyo xukuumadda”

“Annaga waan diidannahay Madashaan la dhisay, Dastuurina ma ahan, qaabka Soomaalida ay isku xukumi lahayd waxaa la rabay in Baarlamaanka ay keenaan, waayo si xalaal ah baa lagu soo xulay, Odayaal dhaqameedkii baa keenay, laakiinse ma ahan in hadda la keeno Road Map cusub” ayuu yiri Xasan Maxamed.

Ugu dambeyn Xoghaye Xasan Maxamed Saciid ayaa ku baaqay in aan lagu xad gudbin howlaha shaqo ee hor yaalla Baarlamaanka Soomaaliya, Xukuumadda Federaalkana laga doonayo fulinta Go’aanada uu gaaro Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News