U bood dhigaalka

Xisbiga Garsoor oo Baaq Ka Soo Saaray Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Dalka

Xisbiga Garsoor oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka islamarkaana ka diiwan gashan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu baaq ka soo saaray doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo sanadka 2021 waxa uuna ka digay xisbigu muddo kororsi.

Xisbigan oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa uu sheegay in markii ay sameeyeen qiimeyn ku aaddan doorashada qaranka inaysan u muuqan wax diyaar garow ah oo ay ku qabsoomi karto doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale xisbiga Garsoor ayaa guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha fulinta waxa uu ku eedeeyay inay ku tunteen sharciyada u yaal dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan doorashooyinka ee la meel mariyay.

Dhanka kale xisbigan ayaa sheegay in xanuunka  COVID-19 uusan noqon Karin marmarsiyo dib loogu dhigi karo doorashada guud ee qaranka.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka xisbiga Garsoor

Goobjoog News