U bood dhigaalka

Xisbiga Himilo Qaran: Dowladda Federaalka Ah Weli Ma Bixin Magtii Maxkamadda Sare Noo Xukmisay

Sheeko:Dalka

Xisbiga Himilo Qaran  ayaa sheegaya in weli aaney dowladda federaalka ah bixin magdhow ay xukmisay maxkamadda sare ee dalka horraantii April ee sanadkan taasoo la xiriirtay xayiraadii safar ee bishii September ee sanadkii hore la saaray madaxweyne Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

Mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga oo la hadlay Goobjoog News codsadana in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in maxkamadda sare ay u xukmisay in dowladda federaalka ah bixiso ilaa $34,000 laakin aan weli la bixin.

Mas’uulka ayaa intaa raaciyey in arrinta lacagta ayba ka daran tahay in dowladda federaalka ah ay weli sii waddo falkii galka dacwadda loogu furay, loogana adkaaday ee ahaa iney celiso muwaadin ama mas’uul safraya.

Arrintan ayaa imaaneysa maalin uun kadib markii xisbiga kale ee UDP uu go’aansaday inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad middan la mid ah.

Isniintii ayey aheyd markii garoonka diyaarada  Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho  laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada  Jubbaland.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD  iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda  xili ay damacsanaayeen in ay wax  ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo.

Goobjoog News