U bood dhigaalka

Xisbiga Himilo Qaran Oo Ka Hadlay Xayiraaddii Sheekh Shariif Ee Garoonka Aadan Cadde 

Sheeko:Dalka

Xisbiga Himilo qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa war kasoo saaray xayiraaddii shalay lagu sameeyey hoggaamiyahooda xilli uu shalay ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbigan ayaa lagu sheegay in xukuumadda uga digayaan iney sii waddo go’doominta iyo faragelinta ay ku hayso dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, xisbiga ayaa sheegay in fal aad u xun uu ahaa go’aankii shalay lagu hor istaagay Sheekh Shariif iyo sidoo kale wefdigii la socday.

Falkii shalay lagu celiyey Sheekh Shariif ayuu sheegay xisbigu inuu ka hor imaanayo qodobka 10-aad, farqaddiisa 2aad iyo 3aad ee Dastuurka KMG ah dalka u yaalla.

Ugu dambeyn, xisbigan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, iney ka waantowdo falalka lagu caburinayo dowlad goboleedyada gaar ahaan Jubbaland, sidoo kalena muwaadinka Soomaaliyeed xaq u leeyahay inuu u safro meel walbo oo dalka uu ka doonayo.

DFS ayaa shalay hor istaagtay diyaarad uu garoonka Aadan Cadde ka raaci lahaa madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kusii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News