U bood dhigaalka

Xisbiga Himilo Qaran oo Ku Guuleystay Dacwaddii ay Ka Gudbiyeen Hey’adda Duulista Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qareenadii u doodayay xisbiga Himilo Qaran ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in dacwaddii ay ka gudbiyeen hey’adda duulista ay iyagu ku guuleyteen islamarkaana loo xukmiyay in lacag magdhaw ah waxaaana sidoo kale ay tilmaameen in maxkamaddu go’aamisay in hey’addaasi ay ku qaldanayd in ay is hor istaag ku sameeyaan wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Qareenada ayaa intaas waxa ay ku dareen in waxyaabihii loo go’aamiyay ay ugu waa weynaayeen labadan qodob.

  1. In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista Soomaaliya.
  2. in hay’adda duulista rayidka ay shubto qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka ku wajahnaa, kaas oo ay  ka midyihiin hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado.

Dhanka kale Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Himilo qaran ayaa waxa uu soo dhoweeyay go’aanka ay ka maxkamadda sare ka soo saartay dacdii ay ka gudbiyeen xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda duulista rayidka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga ayaa lagu yiri sidan “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Maxkaamadda sare ee dalka ka qaadatay dacwaddi laanta fulinta laga gudbiyay gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada”

Sidoo kale xisbiga waxa uu sheegay in faahfaahin rasmi ah ay ka bixin doonaan sida ay u dhacday dacwaddaasi “Xisbiga wuxuu faahfaahin doonaa sida dacwadda kiiskaas loo qaaday iyo go’aanka Maxkamadda”.

Goobjoog News