U bood dhigaalka

Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka oo Ka Fiirsanaya Murashaxnimada Donald Trump

Sheeko:Caalamka

Waxaa warbaahinta Mareykanka aad u qabsatay cajalad fadeexad  ku noqotay murashaxa Jamhuuriga ah ee Donald Trump oo horey looga duubay, cajaladda ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Trump oo aflagaaddo u soo jeedinaya dumarka, taas oo dhalisay in si dhab ah u bilaabato baaritaanno lagu raadinayo suurtagalnimada ah in Trump lagu bedelo Musharax kale.

Guddoomiyaha guddiga xisbiga Jamhuuriga ee heer Qaran ninka la yiraahdo Reines Debbas ayaa sheegay aflagaadada Trump uu dumarka u geystay iney god dheer ku ridayso fursadaha guusha xisbiga ee doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Debbas waxa uu sharaxaad ka bixiyay in guddiga xisbiga ee heer Qaran uu 48 saaadood ee soo aaddan ay dib u eegis ku sameyn doonaan istiraatiijiyadooda ka hor doorashada.

Sharci yaqaannada xisbiga ayaa waxay raadin ugu jiraan suurogalnimada in Trump lagu bedelo Musharax kale, inkasta oo bil kaliya ay ka harsan tahay xilliga loo ballan san yahay doorashada madaxtinimo.

Wargeyska “Politico” oo soo xiganaya mas’uuliyiin sarsare ayaa sheegay maanta in;” Kooxo garyaqaanno ah  ay daraaseynayaan qodobka 9aad ee ogolaanaya murashax kale marka kan hore uu doorashada iskiis uga haro ama uu geeriyoodo”. Trump ayaa isla shalay sheegay inaanuu ka tanaasuleyn tartanka madaxtinimo, sidaa darteedna xisbugu waxa uu ku khasban yahay inuu la shaqeeyo si kastaba xaaladdu ha noqotee.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxay soo bandhigeen fadeexado ku waajahan murashixiinta madaxtinimo ee kala ah Hillary Cilinton oo laga helay Emaillo sir ah oo ay dirtay, halka Donald Trump la soo bandhigay cajalad uu dumarka si xun ugu aflagaadeynayo, fadeexadahan ayaa ku soo beegmaya Maalin un ka hor doodda Labaad ee Murashixiinta oo ku beegan 10 October-ta aan ku jirno.

Goobjoog News