U bood dhigaalka

Xisbiga Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Guddoomiyihii Nugaal

Sheeko:Amniga

Xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi oo xalay u geeriyooday qarax gaarigiisa lagula beegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Allah h u naxariistee Guddoomiyahii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir oo u geeriyooday qarax uu fuliyay qof naftii hallige ahaa. Eheladda iyo qaraabada marxuumka waxaan leenahay samir Allah ha idinka siiyo isagana jannadiisa ha geeyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale xisbiga ayaa cambaareeyay falalka qaraxyada ah ee lagu beegsado ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan isago oo shacaba ku booriyay in ay muujiyaan feejignaan islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amaanka ee deegaanadooda.

“Xisbiga Himilo Qaran Wuxuu cambaareynaynaa aadna uga soo horjeedaa ficillada argagaxisada ee lagu bartilmaameedsanayo Umadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaanna ku boorrinaynaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Puntland inay feejignaadaan ilaashadaanna amnigooda lana shaqeeyaan Hay’adaha qaabilsan nabadgelyada” ayaa lagu soo koobay qoraalka ka soo baxaya xisbiga madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xalay ayaa magaalada Garowe waxaa ka dhacay qarax uu ku geeriyooday guddoomiyihii gobalka Nuugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi, waxaana masuuliyadda qaraxaasi sheegtay dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News