U bood dhigaalka

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Dacwad Ka Dhan ah Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyay dacwad ay kaga soo horjeedaan go’aankii madaxweyne Siilaano uu ku gaaray kala qaadista doorashooyinka, dibna uu ugu dhigay doorashada wakiillada maamulka.

Xogahayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Hargeysa Isniintii Shalay ayaa sheegay iney dacwad u gudbiyeen maxkamadda sare, taas oo ay uga doodayaan in la baalmaray sharuucdii maamulka ee dhanka doorashooyinka, ka dib markii madaxweyne Siilaanyo uu soo saaray wareegto lagu kala qaadayo doorashooyinkii(Madaxtooyada iyo tan Baarlamaanka) oo ay ahayd in bisha March 2017  mar la wada qabto.

” Waxaan runtii halkan u nimid in guddoomiyaha maxkamadda sare u gudbinno sharciga iyo nidaamka xukuumaddu ku tumatay iyo qoraalkii uu madaxweynuhu soo qoray oo aan annagu u arkayno inuu yahay wax dastuurka iyo qaanuunka dadka baalmarsan, sidaa darteed waxaanu runtii aad ugu mahadnaqeynaa guddoomiyaha oo si fiican noo qaabilay si fiican noosoo dhaweeyay annagoo ku kalsoon go’aanka uu gadho, inagoo ku kalsoon in guddoomiyahani yahay mid ku dhaqmaaya nidaamka iyo cadaaladda uu dalkani leeyahay”, ayuu yiri Xoghaye Uurcade.

Xisbiga waddani ayaa maalin ka hor sidoo kale, waxa uu soo saaray war-murtiyeed ay kaga soo horjeedaan go’aankii kala qaadista doorashooyinka, iyagoo si weyn u taageeray hadalkii beesha caalamka ee madaxweyne Siilaanyo looga dalbanayay inuu ka noqdo go’aankii uu ku gaaray kala qaadista doorashooyinka.

Goobjoog News