U bood dhigaalka

Xisbiga Ucid oo Ku Dhawaaqay Siyaasad Cusub oo Dhanka Xulista Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ah

Sheeko:Dalka

Musharaxa Madaxweynimo ee xisbiga mucaradka ah ee Ucid ayaa ku dhawaaqay inuu bedeli doono habkii siyaasadda musharaxnimada madaxweyne ku xigeenka oo markii hore laga xulan jiray gobollada galbeedka, isagoo sheegay in markan uu ku xigeen ka dhigan doono qof ka soo jeeda gobollada bariga Somaliland.

Musharax Jamaal ayaa ka hadlay sababta uu u bedelayo dhaqanka siyaasadda Somaliland ee lagu yaqaaney in musharax ku xigeenka uu noqdo shaqsi ka soo jeeda gobollada Galbeedka.

“Madaxweynuhu baaqii uu diray ee nabadeynta iyo is dhex galka iyo in shacabka Somaliland la isku soo dhaweeyo. Dadka inta badan mansabka ku xigeenka ah uu ka imanjiray gobollada Galbeedka Somaliland, waxaan dooneynaa inaan ugu bishaareyno in xisbiga Ucid, gaar ahaan qofka ii noqon doona musharaxa ku xigeen aan markan eegayno inuu noqdo qof ka soo jeeda gobollada Bariga ee Somaliland, taasi waxay u baahan tahay calool-adeeg, waxay u baahan tahay in wax cusub dadka loo jiheeyo, dadkeennu inta badan hal meel unbaa la qabsadaa oo taa un baa lagu daba feylaa”, ayuu yiri Jamaal oo saxaafadda la hadlayay, maanta.

Jamaal waxa uu xusay in gobollada galbeedka aan la dayaceyn, laakiin ay saamigooda ka haystaan Labada xisbi ee kale iyaguna ay doonayaan iney isbedel sameeyaan;

” Taa macneheedu maaha inaan daneynayn dadka gobollada Awdal iyo Salal aadbaan u jecelnahay, laakiin saami-qeybsiga dowrkan, maadama labadii xisbi qaran ee kaleeto ee Kulmiye iyo Waddani dadka musharixiinta uga tartamayaa ay yihiin dadka ka soo jeeda gobollada Galbeedka, bal inaan dowrkan bedelno, maadaama dakii gobollada bariga hadda ay u soo jeesteen dhanka Somaliland”.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu u bareerayo go’aan adaga oo siyaasiyiinta kale ee Somaliland ku adkaaday, kaas oo ah in musharaxa madaxweyne ku xigeen uu ka dhiganayo shaqsi ka soo jeeda gobollada Bariga Somaliland, taas oo aan looga baran siyaasadda Somaliland.

Si kastaba, go’aanka musharax Jamaal ayaan la ogeyn in uu ku raaci doono iyo in kale guddoomiyaha Xisbiga oo ah Faysal Cali Waraabe, iyadoo ay jirto inaan wali si rasmi ah heshiis dhab ah looga gaarin khilaafkii ragaadiyay Xisbiga oo in muddo ahba uu la daalaa dhacayay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada