U bood dhigaalka

XISBIGA WADAJIR: WAR-SAXAAFADEED.

Sheeko:Dalka

Tir: XW/24/2019 03/05/19

Faafin Degdeg ah:

WAR-SAXAAFADEED

page1image5776944

Xisbiga Wadajir wuxuu canbaareynayaa go’aanka ay Dawlada Federaalka ahi ku afduubtay doorashooyinka Dalka. Sharciga Doorashooyinka ee ay xukuumaddu ansixisay waa mid inta badan qodobbadiisu iska hor imaanayaan, qaarkood dastuurka ka hor imaanayaan, ujeedka ugu danbeeyana yahay muddo kororsi loo sameeyo madaxda Federaalka.

Sharciga doorashooyinka waa in uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, hannaanka doorashana waa in uu ku yimaado talo wadaag dhexmara dowladda federaalka ah, Dawlad Gobolleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Dawlada Federaalka ahi waxay dhegaha ka furaysatay talooyinka kaga imaanaya Xisbiyada dalka iyo dawladaha xubanaha ka ah dowladda federaalka. Waxey si ula kac ah muddo labo sano iyo bar ah u gacan bidixeysay hannaanka dalka looga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ugu danbeyntii soo dhoob dhoobtay wax loogu yeeray sharci cinwaankiisa kore doorasho tahay, laakiin gudihiisu muddo kororsi qayaxan iyo awood maroorsi siyaasadeed ah.

Xisbiga Wadajir waxaa u caddaatay walwalkii uu horey uga muujiyey in hoggaanka dalku uusan daacad ka ahayn awood wareejin si nabad ah ku dhacda iyo qabashada doorasho ay heshiis ku yihiin saamilayda siyaasadeed ee dalka, taa beddelkeedana ay doonayaan kali talis iyo xukun dheeraysi.

Haddaba Xisbiga Wadajir wuxuu mar kale adkaynayaan baaqii ay xisbiyada Siyaasadda dalka horey u soo jeediyeen ee ahaa in xoogagga siyaasadeed ee dalka ay bisha June shirwayne qaran isugu yimaadaan.